Madaxweynaha Dowladda Midnimo-Qaran ee Soomaaliya oo Jimcaha soo socota la dooranayo

Cabirka Farta

Talaado, January 27, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya loo soo dhisayo ayaa lagu wadaa in la doorto Jimcaha soo socda, iyadoo inta xiligaas ka horeysana la isku darayo xubnaha Baarlamaanka TFG-da iyo ARSta.

Maanta iyo Berri ayaa waxaa Magaalada Jibouti ka socda dadaallo la iskula darayo labada Baarlamaan, kadibna lagu dhaarinayo, iyadoo maalinta Jimcaha ahna ay dooran doonaan Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro cadaadis ka imaanaya dhinaca beesha caalamka, kaasi oo aan ogolaaneynin in waqti dheer ay qaadato doorashada madaxweynenimada.

“Markii madaxweynaha la doorto Jimcaha ee uu ku soo baxo qofkii calaf u yeesha waxaa la dhaarin doonaa maalinta Sabtida ah ee xigta, iyadoo Maalinta Axadda ah oo ku beegan 1-da Febraayo 2009 uu madaxweynaha la doortay ka qeybgeli doono Shir uu isugu imaanayo Midowga Afrika.

Jagada madaxweynenimada Soomaaliya oo aan la ogeyn qofka ku soo bixi doona ayaa musharixiinta ugu cad cad waxaa ka mid ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ay soo sharaxdeen Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isna musharaxnimadiisa dhawaan soo qadimay.

Horayna waxaa isu soo sharaxay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Maxamed Qanyare Afrax, Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, Dr. Cali Khaliif Galeyr, Guddoomiyihii hore e maamulka Gobolka Banaadir Cadde Gaabow, La-taliyihii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Yuusuf Cumar Azhari, Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo dhinaca Ammaanka  La-taliye uga ahaa C/llaahi Yuusuf iyo musharixiin kale oo iyana isa soo bannaan bixin doona saacadaha soo socda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia