Ururrka Ardada iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee wadanka Australia oo baaq nabadeed soo saaray

Cabirka Farta

Isniin, January 26, 2009(HOL): Shir ay isugi yimaadeen Aradada iyo dhalinyarada Soomaaliyeed oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan ASSYA ee kunool wadanka Australia gaar ahaan magaalada Perth oo gobolka Westren Australia ayaa waxay uga hadleen shirkaan iyo isu imaatinkooda isbadalada kadhacayo wadanka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Gudoomiyaha Aradada iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee wadanka Australia mudane Mohamed Wali Sheekh Rashiid ayaa tilmaamay in ujeedada shirkan oo ay isugu yimaadeen Ardada iyo Dhalinyarada kunool magaladan Perth ay tahay ujeedada shirkan " In aan kubiirino codkaanaga bulshawaynta Soomaaliyeed ee raadinaysa sidii nabadgalyo looga abuuri lahaa wadanka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho". Mr Rashiid wuxuu kudaray hadalkiisa asaga oo lahadlayay kasoo qaybgalaaashii shirka "Aad iyo aad ayaan usoo dhawaynaynaa kabixitaanka ciidamada Itoobiya ay kawada baxeen dhamaan wadanka Somaaliya".
 
Mar hadii ay baxeen ciidamada Itoobiya ayuu Mr,Rashiid wuxuu cadeeyay in "Loobaahan yahay in umada Soomaaliyeed ay Gacmaha isqabsato, ay Walaaloowdo, Cafis iyo Masaamixna ay iswaydiistaan".  Intii uu shirkan socday ayaa waxaa halkaas kahadlay Arday iyo Dhalinyaro farabadan. Arday magiciisa layiraahdo Yaxya Sheekh oo wax kadhigto jaamacad layiraahdo Curtin University of Technology oo kutaala magaalada Perth oo gobolka Westren Australia oo ka hadlayay shirka ayaa tilmaamay asaga oo ku dhiira galiyay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku hardamyo caasimada Muqdisho in ay ogaadaan "In hoostooda ay kunool yihiin arday iyo dhaliyaro mustaqbal doonayso iyo in ay wax uqabtaan wadankooda"ayuu Yaxya yidhi. Yahya wuxuu kudaray hadalkiisa "Hadaadan helin fursad nabadgalyo waxba uma qaban kartid bulshadaada, waa in aan raadinaa sidii nabad looga abuuri lahaa wadankeena".
 
Waxaa mudan xasuusin in Ardadaas iyo dhalinyaradaas Soomaaliyeed oo isugu yimid shirkaas ay ahaayeen kuwo badankood ku barbaaray wadankan Australia, ayaga oo badankood marka ay dhiibanayeen aragtiyadooda ku aadan xaaalda wadanka Soomaaliya uu marayo ay qaarkood ku adkeeyd in ay ku hadlaan af Soomaaliga laakiin ay dhamaantood ka muuqatay in ay dareensanyihiin in maanta ay diyaar uyihiin in ay dhiibtaan fikradooda, muhiimna ay tahay ama kunoolaan wadanka gudihiis ama dibadiisa loobaahan yahay in shacabka Soomaaliyeed manta gacmaha is qabsado.
 
Sidoo kale gabagaba shirkaas ay isu gu yimaadeen Ardada iyo Dhalinyrada ayaa ururrka ASSYAwuxuu tacsi udiray eheledii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Khadar oo ahaa Arday wax kabarn jiray wadanka Malaysia oo ay tuugo kudileen bishan gudaheeda magaalada Kulalamubur ee wadanka Malaysia.
 
Dareenka guud ee shirka ayaa ahaa mid ay kamuuqato Ardada iyo dhaliyarada kuwo la socdo isbadalka uu marayo wadanka Soomaaliya, ayada oo uu gabagabada shirka uu halkaas uga mahad celiyay dhamaan Ardadii iyo dhaliyardii ka soo qaybgashay shirka gudoomiyaha Ardada iyo Dhaliyarada Soomaaliyeed Mudane Mohamed Wali Sheekh Rashiid " Aad iyo aad ayaad umahadsan tihiin kasoo qaybgalkiina aad kasoo qaygasheen shirkan maanta' ayuu kusoo xidhay shirka Mudane Mohamed Wali.

Xiish Cadaawe
Australia, Perth
[email protected]