Talaado, January 20, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka dhisan Goballka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay sheegay in hay'addaha Samafalka looga fadhiyo in ay soo diiwaan-galiyaan gaadiidka u shaqeeya ee ka howlgala qeybaha Goballku ka kooban yahay.
Amarka ka soo baxay Maamulka Islaamiga ah oo dhamaan la gaarsiiyay Xafiisyada hay'addaha Samafalka ayaa lagu macneeyay in u jeedadiisu tahay kala saaridda gaadiidka dhab ahaan shaqeeya iyo kuwa aan shaqeyn, maadaama ay jiraan gaadiid badan oo ay saaran yihiin dhalinyaro hubeysan kuwaas oo u muuqda in ay ka tirsan yihiin hay'addaha Samafalka.
Sidoo kale sababta ugu weyn ee diiwaan-gelinta ayaa qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta hay'addaha Samafalku waxaa uu ku macneeyay in ay tahay mid meesha ka saareysa in Ciidamada Nabad-galyadu ku qaldamaan gawaarida u shaqeysa hay'addaha oo ay la socdaan ilaalo u gaar ah.
Inkastoo ay jiraan hay'addo durbaba iska xaadiriyay Xarunta Maamulka Islaamiga ee Goballka ayaa hadana dhinaca kale waxaa jira kuwo wali ka cago-jiidaya bixinta lacagta loogu tala galay diiwaan-galinta oo ah mid laga bad badiyay waa sida ay hadalka u dhigeene.
Kol hore ayeey ahayd markii Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan sidoo kale uu soo rogay in ay isa soo diiwaan-galiyaan NGO-da Maxaliga ah ee ka howlgala Goballka, si loo ogaado howlaha ay qabtaan iyo cidda Mas'uulka ka ah.
Dhinaca kale Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Nabad-galyada Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Faarax Diirow ayaa ku wargaliyay shirkaddaha Korontada ee Magaalada in ay jidka ka fogeeyaan Baalayaasha ay ku xiran yihiin Fiilooyinka Korontada isagoo sheegay in markii hore la suray goobo qalad ah oo aan ku habooneyn, dhinaca kalana Shiikh C/raxmaan Diirow waxaa uu ku wargaliyay in aan wixii hadda ka dambeeya la ogalaan doonin xowliga dheereeya ee gaadiidku istimaala marka uu marayo bartamaha Magaalada si markaas looga feejignaado khatar arintaas ka dhalata.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia