
Magac Dahiir oo Warfidiyeenno kula hadlaya Xafiiskiisa. SAWIRKA MAXAMED DEEQ
Talaado., February 24, 2009(HOL): Ciyaaryahanka caanka ah ee Soomaaliyeed ee Ciyaara Ciyaarta Kubadda Miiska isla Markaana lagu naaneyso MUCJIASAD KUBADDA MIISKA ayaa Dhawaan War Saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in loo baahanyahay in dawladda cusub ee Soomaaliya ay Xooga Saarto Sidii loo Xoojin lahaa dhinaca Sportiga oo ah kan kaliya ee isku xira kara Shacabka qaybahiisa kala gadisan Maadaaam dawladihii Hore ee Soomaaliya loo soo dhisay ay Xooga saari jireen dhinacyada Siyaasadda.
Magan oo Xafiiskiisa ugu warmayay Warfiyideenka ayaa sheegay in Shacabka Soomaalida intaan ka sii badan aan loo baahnayn in ay ku sii dhex jiraan Dhibaatooyin iyo Dagaalo sokeeye loona baahanyahay Dawladan Cusub in ay ka shaqeyso in ay xooga Saarto Sidii loo xoojin lahaa in sportiga la dhiiri galiyo waayo ispoortiga waa kan kaliya ee soo celin kara Sumcadda iyo Sharafta Soomaalida dadkana ilowsiin kara qabiilka,abuuri karana is dhex galka shacabka.
Dhanka kalena Ciyaaryahan Magan Daahir Yuusuf Waxaa uu ugu Baaqay Dhamaan Qolyaha ku Hawlan Sportiga Soomaalida Dawladda iyo Gudiga olympokada Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan in ay Sii hor mariyaan sportiga Soomaalida oo aysan ku Fikirin kaliya in Calanka la geeyo garoomada balse loo baahanyahay in la geeyo Ciyaartoy aad u fiican isla markaana u qalma in ay matalaan magaca Soomaalida,mana aha in diyaar garowga ciyaartoyda la bilaabo marka uu soo dhawyahay in barnaamij ciyaareed laga qayb galo kaliye balse loo baahanyahay in horey loo sii diyaar garoobo oo la soo dhiso ciyaartoyda tababarana la siiyo isaga oo sheegay in Soomaalida laga Dhex heli karo xiligan dad ciyaartoyda tababar siin kara oo aqoonteeda iyo kartideeda leh.
sidoo kale Ciyaaryahan Magan Daahir Yuusuf waxaa uu Taladiisa ku socota Gudiga olympikada Soomaaliyeed ku sheegay in loo baahanyahay in jiilka soo socda ee dhalinyarada la dhiiri galiyo oo loo qabto koobab Ciyaaro sida kuwii hore loo qaban jiray ee Heer gobol ee Ciyaaraha Gobolada maadama dadkii hore ay inta badan ay u bateen dad waaweyn Mustaqbalkana uu sugaayo Dhalinyarada hadda soo koreysa.
ugu danbeyntii ayaa Ciyaaryahan Magan Daahir Yuusuf waxaa uu ugu baaqay Dhamaan qaybaha kala gadisan ee Gudiga olympikada Soomaaliyeed in ay Midoobaan maadaama ay hal hafad leeyihiin oo ah Sportiga isla markaana marka ay ka qaybgalayaan Ciyaaraha dibadda in ay uga qaybgalaan iyaga oo aan kala soconin.
Ciyaaryahan Magan Daahir Yuusuf ayaa u Rajeeyay Guul iyo Horumar Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed isaga oo si gaar ah u rajeeyay Bahda Sportiga Qaybaheeda kala Gadisan in Mustaqbalka ay ku soo kordhiyaan Sportiga Soomaaliya Guulo waa weyn oo wax ku ool ah.
Maxamed Abuukar Sh. Xassan (M.deeq)
Leeuwarden, Freisland, Netherland
GSM:0031643642191
[email protected]