Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo saacada soo socda la magacaabayo

Cabirka Farta

Jimco, February 20, 2009(HOL): Warar aynu ka helnay ilo ku dhow dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda la magacaabayo wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay soo gebagebeeyeen soo xulista xunaha Wasiirrada cusub, iyadoo haatan ay u socdaan wada hadalladii ugu dambeeyay oo ay ka leeyihiin ciddii loo magacaabi lahaa Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda.

Wasiirrada Xukuumadda ayaa wararku sheegayaan in ay gaarayaan 31 ilaa 36 Wasaaradood iyo Wasiir ku xigeenno tiradaas gaaraya, kuwaasi oo loo qeybsanayo qaabka 4.5 oo horay loogu saleeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirrada Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa waxay badankood yihiin kuwo cusub oo aan horay uga mid ahayn Xukuumadihii horay u soo maray Soomaaliya, tiro yar ayaana laga soo qaatay Wasiirradii ka tirsanaa Xukuumaddii ugu dambeysay ee Nuur Cadde.

Maalinta Axadda ah ee soo soocta ayaa lagu wadaa in Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke uu Baarlamaanka hor-geeyo Xukuumadda uu soo dhisay, si codka kalsoonida loo siiyo, waxaana marka Xukuumadda kalsoonida hesho la qorsheynayaa in ay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ay u soo guurto Magaalada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha Dhaqdhaqaaqyada Jibouti ka socda halkan kala soco.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia