Isniin, February 02, 2009(HOL): Dadweyne ka kala yimid afarta xaafadood ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxay banaanbax ka dhigeen Magaaladaas, iyagoo banaanbaxoodana uga soo horjeeday Dowladda cusub ee Soomaaliya.
Dadka isu soo baxay ayaa waxay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay kaga soo horjeedaan Dowladda cusub ee Soomaaliya, waxayna socod dheer kadib ay isugu soo uruureen garoonka Kubadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo.
Dadkii banaanbaxa isugu yimid waxaa la hadlay culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Shiikh Ibraahim Aadan iyo Shiikh Shariif Shiikh Xuseen, waxayna sheegeen in ay ka soo horjeedaan dowladda lagu soo dhisay Jibuuti.
Shiikh Ibraahim Aadan ayaa sheegay in waxyaabaha ay uga soo horjeedaan dowladda cusub ay tahay iyadoo lagu soo dhisay qaab cadaalad darro ah oo 4.5 ah, isla markaana ku dhaqmeyso dastuur ay dad bani’aadam ah dejiyeen.
Shiikh Ibraahim Aadan waxaa uu intaas ku daray in aaney dadka Soomaaliyeed aqbali doonin wax aan ahayn ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna caddeeyay in ciddii ula timaada wax aan ahayn shareecada Islaamka ay ka hor-tegi doonaan.
Banaanbaxan looga soo horjeeday Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya ay ka dhacayeen dibadbaxyo lagu taageerayay dowladda cusub.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia