Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo Dad ka kaxeystay, qalabna ka qaatay Xarunta Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman

Cabirka Farta

Arbaco, September 24, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay gudaha u galeen Xarunta Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman, waxayna halkaas ka kaxeysteen labo ilaalo ah oo xarunta joogay, iyagoo sidoo kalena qaatay qalab ay Hay’adda lahayd.

Ku-simaha Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa) ayaa sheegay in Ciidamada galay Xaruntooda ay qaateen labo Computer oo Hay’addooda lahayd, sidoo kalena ay kaxeysteen labo nin oo waardiye ka ahaa Xarunta.

Cali Fadhaa waxaa uu sheegay in aysan garaneynin sababta ay Ciidamadaas u soo beegsadeen Hay’addooda oo howsheeda tahay Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha, isla markaana uu weliba xarunta ka muuqdo magaca hay’adda, wuxuuna caddeeyay in aysan ahayd markii ugu horeysay oo ay Xaruntooda Ciidamo soo galaan, waxna ay ka qaataan.

“ilaa iyo hadda waxaan hubnaa in ay labadaas Computer qaateen, waan fiirin doonnaa hadii uu jiro qalab kale oo ay Xarunta ka qaateen”ayuu yiri Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo sheegay in aysan ilaa iyo haatan garaneyn cid ay Ciidamadaas kala xiriiraan iyo meel ay u raacdaan qalabka laga qaatay.

Dhanka kalena, Ciidamo kale oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saaka howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ayaa waxay toogasho ku dileen 3 ruux, iyagoo sidoo kalena dhac u geystay goobo ganacsi oo ku yaala Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa falal dhac iyo dil isugu jira oo ay kula kacaan dadka shacabka ah, waxayna mar kasta Saraakiisha Ciidamada ay sheegaan in ay wax ka qabanayaan falalka lagu eedeeyo Ciidamada ay u taliyaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia