Talaado, September 23, 2008(HOL): Ganacsigii Suuqa Bakaaraha ayaa maanta waxaa ku yimid hakad kadib markii dad badan oo gudaha Suuqa ku sugnaa uu soo gaaray war ku saabsanaa in ay mar kale bilaabaneyso duqeyntii shalay Suuqa ka dhacday oo kale.
Warka dadka cabsida geliyay ayaa wuxuu ahaa in Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku degtay Diyaarad, kadibna ay bilaabaneyso Mdaafiic Garoonka lagu tuurayo taasi oo ay suurtagal tahay in ay ka soo jawaabaan Ciidamo ku sugan Garoonka iyo nawaaxigiisa.
Dadka maanta ka kala cararay Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ka cabsi qabeen in ay Suuqa ka dhacdo duqeyn ay dad badan ku dhinteen oo shalay Suuqa ka dhacay oo kale, waxaana la arkayay dad goobahooda ganacsiga xirayay oo Suuqa cagahooda uga sii baxayay iyo gaadiid isticmaalayay.
Shalay ayay ahayd markii dad gaaraya 30 ruux oo ay madaafiic ku dul habsatay ay ku dhinteen gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen dad 60 ruux kor u dhaafayay, kuwaasi oo dhamaantood rayid ahaa.
Laakin warkaas kala cararka iyo cabsida geliyay dadkii ku sugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu noqday mid aan dhaboobin, mana dhicin wax madaafiic ah oo loo tuuray dhinaca garoonka Diyaaradaha iyo midka ka soo dhacday intaba, waxaana daqiiqado kadib dib u soo noqday dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha.
Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa wuxuu beryahan yahay mid aad mashquul u ah oo markaasina ay ka dukaameysanayaan dad badan oo u diyaargaroobaya munaasadda Ciida Soon-fur oo waqti yar uu naga xigo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia