Falal amni xumo ah oo ku soo badanaya Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland

Cabirka Farta

Arbaco, September 10, 2008(HOL): Magaalada Garowe oo ah caasimadda DGPL ayaa habeennadii la soo dhaafay waxaa ku soo kordhayay falal amniga wax u dhimaya, kuwaasi oo saameeyay shacabka ku dhaqan Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Labo maalin ka hor   waxaa Saldhiga bartamaha Magaalada Garowe ka dhacay Qarax aad u xoog badan, kaasi oo uu ku dhaawacmay Taliyaha Saldhiga bartamaha Magaalada Garowe.

Maamulka Gobolka Nugaal ayaa sheegay  dhawr jeer oo hore  in uu wax ka badalayo amniga hadan ma muuqadaan talaabooyin laga dhaxlay hawlgalada ay Ciidamada Booliska  Gobolka Nugaal.

Duqa Degmada Garowe C/qaadir Cismaan Foolcadde oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa tilmaamay in Guddiga Amniga ee Garowe ay mar walba u taagan yihiin wax ka qabashada xaaladaha amni xumo ee ka jira Caasimada Puntland.

Inkastoo ay wadaan hawlo baaritaano ah Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa hadana waxaa la dareemayaa amni xumo aad u baahsan oo ka jirta xaafadaha qaar ee ku yaala Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe, Somalia