Arbaco, October 29, 2008(HOL): Labo Qarax oo aad u xoog badan ayaa goor dhaweyd lala beegsaday labo xarumood oo ku yaala magaalada Boosaaso, kuwasi oo ay leeyihiin Ciidamada Sirdoonka Puntland, kuwaasi oo loo yaqaana PISta.
Labadaan Qarax ayaa kala dambeeyay muddo daqiiqado ah, waxaana la aaaminsan yahay in ay geysteen dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aaney jirin warar rasmi ah oo aan ka helnay khasaaraha qaraxyadaas.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo tirada dhimasho ee qaraxyadaan is-xigay ay gaysteen, inkastoo dhaawac ahaan isbitaalka Puntland loo dhigay 8 ka tirsan askarta PISta.
Lama garanayo cidda sida rasmiga ah uga dambaysa labadaan qarax, mana jiraan cid ilaa iyo hadda loo qabtay labadaasi Qarax, waxaana xusid mudan in uu geeriyooday darawal kaxeynayay gaari waxyaabaha qaraxa dhaliyay laga soo buuxiyay
Waxaa labadaan qarax geystay labo gaari oo nooca TOYOTA Surf ah, kuwaasi oo laga soo buuxshay Walxaha Qarxa, iyadoo hal mar laga dareemay labada qarax magaalada Boosaaso.
Dhamaan waxaa loo adkeeyay amniga goobaha ay ka dhaceen labadaan qarax ,iyadoo dhammaan hakad ay galeen isku socod Gaadiidka iyo Dadwaynaha magaalada Boosaaso. Wixii ku soo kordha Qaraxyadana kala soco halkan.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia
Qaraxyo is-miidaamin ah oo lala eegtay labo xarumood oo ay leeyihiin Ciidamada Sir-doonka Puntland
Cabirka Farta
More News
- Maxaa ka soo baxay shirkii IGAD iyo Dawladda FKMG ah
- Khasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa
- Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay iska kaashadaan sugidda Ammaanka
- Madax ka socota IGAD iyo Beesha Caalamka oo u qudbeeyay Madaxda iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Seddex Qarax oo lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaala Magaalada Hargeysa
- IGAD oo ka yaabtay qaab-dhaqanka Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
- XILDHIBAAN MOWLIID MACAANI: “Sac Ruqday oo ay Afar Nin kicin weysay mid Maqaarka raba ayaa ku jira”
- Xaaladda Magaalada Marka oo saaka degan kadib dil iyo dhaawac shalay loo geystay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Sh/Hoose
- Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqday inay abaalmarineyso Warfidiyeenno Soomaaliyeed
- Maxjarka Boosaaso oo bilaabaya in uu Dibadda u iib-geeyo Xoolo badan oo caafimaadkooda la hubiyay