![]() |
| Madaxweynaha Dowladda Jibouti -Ismaaciil Cumar Geelle |
Madaxweyne Geelle waxaa uu ka hadlay wada hadalladii dhinacyada Soomaalida ay ku yeesheen Dalka Jibouti, wuxuuna sheegay in wada hadalladaas rajo wanaagsan leeyihiin inkastoo uu xusay in dhinacyada Soomaalida isku dayeen dhowr jeer in aaney wax miro ah ka soo bixin wada hadalladaas oo ay kala-tagna ku dhawaadeen.
“Nimanyahow la idinka yeeli-maayo, idinka yeeli meyno, Allaah idinka yeeli maayo, Beesha Caalamkana idinka yeeli meyso waan kala tagnay”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in Caalamka uu haatan su’aalo badan iska weydiinayo waxa ay dadka Soomaaliyeed isku hayaan iyo halka ay salka ku heyso dhibaatada Soomaaliya.
Madaxweyne Geelle waxaa uu sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loo kala sheekeeyo ay mar kasta qabtaan, wuxuuna arrintaas ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dadka la-taliyayaasha u ah, kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay wanaag kula taliyaan madaxdooda.
“Beesha Caalamka waxay leedahay maxaan u gargaareynaa iyagaba isma ogola, iyagaba dalkooda ma jecla, iyaguba isuma tanaasulayaan, iyaguba ma doonayaan in ay wax ka soo baxaan shirarka u socda”ayuu yiri Madaxweyne Geelle oo sheegay in mar kasta oo la damco in Soomaaliya wax loo qabto ay soo baxayaan warar rajo la’aan muujinaya.
Waxaa uu sheegay in uu si weyn uga xun yahay dagaallada aan dhamaadka lahayn ee ka socda Soomaaliya iyo dadka iyagoo aan waxba galabsan la dilo, “Ma jirto meel ay diinta Islaamka kaga taallo in la dilo qof masjid ka soo baxay oo isagoo kabahiisa qaadanaya madax xabad looga jiidayo”ayuu yiri Madaxweyne Geelle oo sheegay in aan dhiigga qofka bani’aadamka ah lagu daadin karin xaq darro.
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo qeyb ka ah Wada hadallada Jibouti ayuu ugu baaqay in ay dhinacyada ka maqan baadi-doontaan, isla markaana ay qeybtooda kala baxaan dhinacyada loogu baaqayo in ay xabadda joojiyaan, wuxuuna sheegay in markaas kadib la arki doono cidda dooneysa in ay sii socoto dhibaatada Soomaaliya.
Dhanka kale mar uu madaxweyne Geelle soo hadal qaaday Somaliland waxaa uu sheegay in Somaliland ay ka badbaaday dhibaatada ku dhacday Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Dadkaas arrimahooda ku xalisteen kaliya labo shir oo ay qabsadeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu ku hambalyeynayo horumarka iyo nabadda ay gaareen.
“Waxay Somaliland mudan yihiin ixtiraam iyo in ay dadka Soomaaliyeed eegtaan sidii ay mushkiladahooda u xaliyeen iyagoo aanan rasaas isu qaadan”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo rajeeyay in Ciiddan Ciiddeeda ay maqli doonaan war farxad leh oo ka duwan midka ay hadda Soomaaliya ka maqlaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
