![]() |
|
Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysigs Dib u xoreynta -Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) |
“Xubnaha Isbaheysiga ee Jabuuti ku sugan ma heystaan ogolaansho ay shir ugu qaban karaan Dalka Jabuuti, sharcina ma ahan shirkaas, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Jibouti in aysan dalkeeda ku marti-gelin shirkaas”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad.
“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle marka aan magaciisa maqlo waan farxaa, Dadka Soomaaliyeedna waa farxaan, marka waxaan leeyahay haka shaqeynin in ay naxaan Dadka Soomaaliyeed marka ay magacaaga maqlaan”ayuu mar kale yiri Shiikh Yuusuf Indha-cadde oo ugu baaqay Dowladda Jibouti
Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay eedeyntii uu dhawaan Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif uu u jeediyay Dowladda Eritrea, wuxuuna sheegay in uu uga cudur-daarayo Dowladda Eritrea eedeyntaas.
“Eritrea waa Dowladda kaliya oo na soo dhaweysay oo noo ogolaatay in aan dalkeeda ku noolaanno markii uu Adduunka Albaabada naga laabtay, mana mudneyn in uu Shiikh Shariif sidaas ugu abaal-gudo”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo mas’uuliyiinta Isbaheysiga ee ku sugan Dalka Jibouti ku tilmaamay kuwo la soo baxsaday Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Dhanka kalena, Shiikh Yuusuf Indha-Cadde waxaa uu ka hadlay dhaawac dhawaan loo geystay Guddoomiyaha Degmada Guri-ceel Cali Shiikh Maxamed iyo Labo Nabaddoon oo la socotay oo lagu kala magacaabo Xasan Cilmi Yaxye iyo Axmed Shiikh Daa'uud, kuwaasi oo ay Rag Bastoolado ku hubeysan ku weerareen Degmada Dhuusa-mareeb ee Xarunta u ah Gobolka Galgaduud. Shiikh Yuusuf Indha-Cadde waxaa uu sheegay in falka lagula kacay raggaas uu ahaa xasuuq uu Alle ka badbaadiyay, wuxuuna cambaareeyay Kooxihii falkaas ka dambeeyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
