Golayaasha Dhaqanka Hawiye iyo Abwaannada Soomaaliyeed oo cambaareeyay Ciidamadii shalay baaray Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Sabti, May 24, 2008(HOL): Golayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Abwaannada Soomaaliyeed ayaa maanta waxay soo saareen hadal saxaafadeed ay uga hadlayaan baaritaan ay shalay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ku sameeyeen guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan.

Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa sheegay in ay tacaddi ahayd in baaritaan lagu sameeyo guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay ciidamadii galay guriga C/qaasim in ay boob geysteen, sidoo kalena  ay jir-dil u geysteen ilaaladii Madaxweynaha.

C/llaahi Dheere waxaa uu sheegay in Ciidamadaas ay sidoo kale dhaawaceen Wiil yar oo arday ah kaasi oo uu Awoowe u yahay Jen. Maxamed Ibraahim Liiq-liiqato, sidoo kalena ay Ciidamadaas weerar ku qaadeen Suuqa Bakaaraha oo muddooyinkan ammaan ahaa, ciidamo gaar ahna loo sameeyay.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Abshir Nuur Farax Bacadle oo isna ka hadlay baaritaankii shalay lagu sameeyay Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa wuxuu sheegay in ay aad uga xun yihiin falka lagula kacay Madaxweyne C/qaasim Salaad, “Haddiiba ay isagoo nool ka tageen, taas ayaa Alle mahaddiis ah waayo wixii gurigiisa mar labaad loogu noqday ayaaba waxay ahady arrin ujeeddo kale ka dambeysay”ayuu yiri Abwaan Abshir Bacadle.

Hadalka ay maanta sii daayeen Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay galeen guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, ayna halkaas ka qaateen hub, iyagoo burburiyay alaabo iyo gaadiid guriga madaxweynaha yaalay.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan baaritaanka markii labaad lagu sameeyay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, iyadoo la xusuusan yahay in mar baaritaan lagu sameeyay sanadkii hore ay baaritaankaas raaligelin ka bixiyeen madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo gurigiisa ku booqday Madaxweyne C/qaasim Salaad.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia