Sabti, 22 March 2008 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa 6 Xeer-Madaxweyne oo uu maanta soo saaray waxa uu si rasmi ah u magacaabay 6 Gobol iyo 14 Degmo oo cusub.Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, sidoo kale Madaxweyne Rayaale waxa uu Qoraal u diray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland. Taas oo uu kula socodsiinayo inaanay magacaabistani wax saamayn ah ku yeelan doonin Doorashooyinka Somaliland ee qorshaysan in laga qabto dhawaan. Isla markaana Doorashooyinku uga qabsoomi doonaan Goobaha uu magacaabay habkii markii hore loogu talo galay in looga qabto.
Warsaxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu soo saaray Maanta Lix Xeer Madaxweyne, oo uu Lix Gobol oo Cusub ugu Magacaabay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolladaasi oo kala ah, Gobolka Gabiley oo magaalo madax ay u noqonayso GABILEY, Gobolka Badhan oo magaalo madax u noqonasyo BADHAN, Gobolka Buuhoodle, oo Magaalo madax u noqonasyo BUUHOODLE, Gobolka Salal, oo magaalo madax u noqonayso SAYLAC , Gobolka SARAAR oo magaalo madax u noqonayso CAYNABO iyo Gobolka Oodweyne oo Magaalo Madax u noqonaysa Oodweyne.
Waxa kale oo Madaxweynuhu soo saaray 14 Xeer-Madaxweyne oo uu 14 Degmo oo Cusub ku magacaabay, Degmooyinka la magacaabay iyo Gobollada ay ka tirsan yihiin waxay kala yihiin sedan:
- 1) Degmada WAJAALE oo ka tirsanaan doonta Gobolka GABILEY.
- 2) Degmada WIDH-WIDH oo ka tirsanana doonta Gobolka Buuhoodle.
- 3) Degmada QORU-LUGAD oo ka tirsanaan doonta gobolka Buuhoodle
- 4) Degmada GO’DA WEYN oo ka tirsanaan doonta gobolka Saaxil
- 5) Degmada HARASHEEKH oo ka tirsanaan doonta Gobolka Oodweyne
- 6) Degmada RAYDAB KHAATUMO oo ka tirsanaan doonta Gobolka Oodweyne
- 7) Degmada GARBA DADAR oo ka tirsanaan doonta gobolka SALAL
- 8) Degmada BOON oo ka tirsanaan Doonta gobolka SALAL
- 9) Degmada XARIIRAD oo ka tirsanaan doonta Gobolka SALAL
- 10) Degmada LAASCIIDLE oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saaxil
- 11) Degmada WAR-IDAAD oo ka tirsanaan doonta gobolka SARAAR
- 12) Degmada CEELAL oo ka tirsanaan doonta Gobolka SARAAR
- 13) Degmada WAR-CIMRAAN oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer
- 14) Degmada MAGAALO CAD oo ka tirsanaan doonta gobolka Awdal
Waxa kale oo uu qoraalkan ku sheegay Madaxweynuhu in Doorashooyinku ugaga dhici doonaan sidii markii hore ay ugu qorshaysnaayeen in ay dalka uga dhacaan , qiimaynta gobollada iyo degmooyinku, waxay ku salaysnaan doonaan buuxinta shuruudaha ku xusan qodobka saddexaad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland”.
Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa isweydiinaya sababta Madaxweyne Rayaale waqtigan oo Doorashooyin ku soo fool leeyihiin Somaliland uu ugu soo beegay Magacaabista degmooyinkan iyo Gobolladan cusub. Taas oo qaar ka mid ah ay ula muuqato inay tahay Olole ka dhan ah Doorashooyinka soo dhaw.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]