Axad, March 02, 2008(HOL): Sida ay dhawaajiyeen qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Gobaladda Gal-gaduud iyo Mudug waxaa siweyn isu soo taraya heerka iyo Abaarta iyo Biyo yaridda ka taagan qeybo badan oo ka mid ah labadda Gobalka kadib markii ay gureen Ceelashii biyaha ee ku yiilay deegaanadda Labadda Gobal.
kulan Magaaladda Caabud-waaq ee Gobalka Gal-gaduud ay ku yeesheen Mas'uuliyiinta Degmadda waxaa siweyn loogu lafa-guray heerka Abaaraha iyo Biyo La'aanta taagan iyo waliba sidda hey'adaha samafalku dhagaha uga fureysteen wax ka qabashadda dhibaatadda ka jirta kadib markii sidda kulanka laga sheegay dhowr jeer oo hore Hay'adaha Samafalka loogu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada heysta dadku dhaqan deegaanadda Abaaruhu ka taagan yihiin.
Hay'adaha Sidda weyn dhaliisha loogu jeediyay ayaa waxaa ka mid ah ICRC iyo Care International oo ay ku tilmaameen Mas'uuliyiintu in mar walba ay ku sameeyaan Gobalka socdaalo iyo kormeero loogu guur-galayo dhibaatadda ka tagaan laakiin haddana aan wax ficil ah ka geysan, waxaana ay intaa ku dareen in wixii hadda ka danbeeya Hay'adaha lagu sameyn doono la xisaabtan iyo dabagal ku aadan wax ka qabashadda dhibaatooyinka jira.
Gobaladda Gal-gaduud iyo Mudug ee baramaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Gobaladda ay sidda weyn u gaareen dadkii ka soo barakacay Dagaaladda Caasimadda Muqdisho kuwaasoo hadda ay soo food saaray dhibaato dhinaca Nolasha ah gaar ahaan biyo la'aanta oo ah tan ugu daran ee dadku ka cabanayo.
Sidoo kale Caruur faro badan oo ka tirsan Qoysaska soo barakacay ayaa laga soo deyrinayaa xaaladooda Caafimaad kadib ay la soo daristay macaluul ka dhalatay Abaarta ka jirta deeganada ay ku barakaceen.
QM ayaa warbixin ay soo saartay waxaa ay kaga hadashay dhibaatada Abaarta iyo Biyo la'aanta ka taagan Gobaladda batamaha Soomaaliya, gaar ahaan waxaa ay warbixintu xustay labada Gobal ee Mudug iyo Gal-gaduud oo ay ku talmaamtay in ay yihiin kuwo ku daran ee dhibaatadu sameysay, waxaana ay intaa ku dartay warbixintu hadii aan si dhab ah arimahaa wax looga qaban in ay galaafan karto nolasha inta badan dadka ku dhaqan Deegaanadda labada Gobal gaar ahaa Caruurta oo si gaar ah warbixintu u tilmaamtay.
Abaaraha ka jira qeybo badan oo ka tirsan Gobaladda dhexe ayaa sameyn buuxdda waxaa ay ku yeesheen dadka iyo duunyadda intaba kuwaa oo hadda bilaabay in ay guur guuraan si markaa ay u helaan meel nolal dhaanta hadba halka ay ka barakacaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia