Khamiis, June 05, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in uu saaka dib u bilowday Seminaarkii Guriga Umadda ee Jibouti uga socday Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Seminaarkan ayaa wuxuu hakad galay kadib markii uu shalay tegay halkii uu ka socday Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti, iyadoo kadibna ay Ergooyinka Isbaheysiga Dib u xoryenta isaga baxeen Seminaarka kagadaal markii lagu guuleysan waayay in Safiirka Itoobiya laga saaro Hoolkii uu Seminaarka ka socday.
Wararka naga soo gaaraya Dalka Jibouti waxay sheegayaan in Seminaarka uu dib u bilowday kadib markii ay Qaramada Midoobay ka dhaadhicisay Safiirka Itoobiya in uusan tegin madasha Seminaarka.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti oo ay ka qeybgalkiisa Seminaarka dhibsadeen Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa wuxuu sabab u noqday in Safiirradii kale ee Caalamka ay madasha Seminaarka tagaan, waxaana kaliya loo ogolaaday ka qeybgalka Seminaarka Safiirro ka socda Urur Goboleedyada sida Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta.
Seminaarkan oo looga hadlayo Cadaaladda, Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta la soo gebagebeeyo, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay casharro ka dhigayaan Khubarro ka socda Qaramada Midoobay oo ku takhasusay xalinta Khilaafaadka iyo soo af-jaridda Colaadaha.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Seminaarkan ayaa marka uu soo gebageboobo waxaa xigi doona kulamo kale oo xasaasi ah, kuwaasi oo looga hadlayo sidii Ciidamada Itoobiyaanka looga saari lahaa, isla markaan loo keeni lahaa Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, iyadoo qodobkaasina uu yahay mid ay ka hadalkiisa si weyn ugu dhegan yihiin Ergooyinka Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo mas’uuliyiin u hadlay ay horay u sheegeen in haddii Itoobiyaanka laga saaro Soomaaliya uu fududaan doono heshiis ay gaaraan dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia