Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray inta u dhaxeysa Deegaannada Garasyaani iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan

Cabirka Farta

Jimco, June 20, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka ka tegay Magaalada Beledweyne, isla markaana ku sii jeeday dhinaca Degmada Buulo-Burte ayaa  mar ay socdeen Deegaannada Garasyaani iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan waxaa weerar ku qaaday Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan Caydaruus Shiikh Daahir ayaa HOL u sheegay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay Gaadiidka dagaalka ay ay dagaal kula galeen inta dhaxeysa Deegaannada Garasyaani iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan, isla markaana ay halkaas jab ugu geysteen.

Caydaruus Shiikh Daahir oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Ciidamadaas Itoobiyaanka ah ay doonayeen inay weerar ku qaadaan Degmada Buulo-burte, hayeeshee sida uu yiri uu weerarkoodii kala dhantaalmay kadib markii ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka dagaal la galeen.

Wuxuu sheegay Caydaruus Shiikh Daahir in uusan jirin wax khasaare ah oo dagaalkaas ka soo gaaray Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Ciidamada Itoobiyaanka joogaan halkii ay uu dagaalka ku qabsaday iyagoo sida uu yiri aan aqoonin meel ay u cararaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo isaga kala gooshaay Degmooyinka Buulo-Burte iyo Beledweyne waxaa lagu weeraray inta u dhaxeysa Deegaannada Halgan iyo Garasyaani ee Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaasina looga gubay qaar ka mid ah Gaadiid ay wateen.

Wixii ku soo kordha Dagaalkaas kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia