Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Nairobi gaaray

Cabirka Farta

Isniin, June 16, 2008(HOL: Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenaya ayaa waxay sheegayaan in shalay gelinkii dambe uu halkaas gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Wafdigan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa lagu soo waramayaa in uu Nairobi u tegay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Qaramada Midoobay iyo Wakiillada Beesha Caalamka ka jooga Magaalada Nairobi.

Kulamada uu Wafdiga Isbaheysiga la qaadanayo Qaramada Midoobay iyo Wakiillada Beesha Caalamka ayaa la sheegayaa in ay la xiriiraan sidii looga miro-dhalin lahaa heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti.

Magaalada Nairobi waxaa horay u sii joogay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasi oo iyana kulamo la lahaa Wakiillada Beesha Caalamka ee Nairobi jooga iyo weliba Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyntiina, Socdaalka ay Wufuudda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ku joogaan Magaalada Nairobi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ergooyin ka socda  labada dhinac ay isugu tegi doonaan Dalka Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana ay halkaasi si rasmi ah ugu saxiixi doonaan heshiiskii ay ku gaareen Dalka Jibouti.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia