Shiikh Xasan Daahir oo ka soo horjeestay Heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti

Cabirka Farta

Talaado, June 10, 2008(HOL):Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Midowgii Maxkamadaha Islaamka, xubinna ka ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ka soo horjeestay heshiiskii ay shalay Jibouti ku wada gaareen Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in aysan jirin wax la taaban karo oo shirkaas ka soo baxay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ergadii ka socotay Isbaheysiga ee shirka ka qeybgashay ay ku dhaceen sida uu u yiri dab ay uga digayeen ina y ku dhacaan.

Shiikh Xasan Daahir waxaa uu intaas ku daray in sababta uu u leeyahay shirka waxba kama soo bixin ay tahay iyadoo aan si cad heshiiska loogu qorin Itoobiya waa in ay Dalka ka baxdaa, “Sida na soo gaartay heshiiska waxaa qoran in marka ay Ciidamada UN-ka yimaadaan ay Dowladda Federaalka ka codsato Itoobiya inay Soomaaliya ka baxdo, taasina ma ahan wax caqli geli kara”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Itoobiya.

“Ma rumeysni in natiijada ka soo baxday Wada hadalladii Jibouti ay saameyn ku yeelan karaan dagaalka ay gudaha Soomaaliya ka wadaan muqaawamada, waana sii wadi doonnaa dagaalka aan dalka Soomaaliya uga xoreyneyno cadawga Alle”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo isagoo ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea u waramayay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu intaas ku daray Shiikh Xasan Daahir in waxyaabihii shirkaas ka soo baxay aysan khuseynin, isla markaana xubnihii ka qeybgalay ee Isbaheysigooda ka tirsan aysan iyagu dirsan, sidaas darteedna aysan metelin.

Hadalka Shiikh Daahir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay shalay Magaalada Djibouti ay heshiis ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka oo ay horkacayaan Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo ku xigeenkiisa Axmed C/salaan iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay horkacayaan Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Shiikh Shariif Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia