Taliska Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka oo beeniyay hadal uu sii daayay Afhayeenka Howl-gallada Maxkamadaha Islaamka

Cabirka Farta

Khamiis, July 17, 2008(HOL): Taliyaha Guutada 5aad ee Taliska Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya G/lle Dhexe Cali Carraale Cosoble (Cali Gacma-dulle) oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin hadal uu saaka sii daayay Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow, kaasi oo ahaa in ay ka qabsadeen Ciidamda Dowlada Fariisimo ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha.

“Waan maqleynay hadalka uu sheegay C/raxiin Ciise Caddow, waxaana leenahay wuxuu ahaa hadal aan run ahayn oo la doonayay in lagu jaha-wareeriyo Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri G/lle Dhexe Cali Gacma-dulle oo sheegay in ay 21 nin ka dileen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka, isla markaana sida uu hadalka u yiri ay Meydadkooda yaalliin inta u dhaxeyso Isgoyska Miisaanka Dhuxusha ilaa Qabuuraha Barakaat.

Cali Gacma-dulle oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Ciidamadooda ay joogaan Fariisimadooda, isla markaana aysan waxba ka jirin in ay Xoogagga Maxkamadaha Isalamka ka qabsadeen.

“Annaga dhinaceena hal Askari ayaa naga dhaawacmay, wax kale oo khasaare ah oo na soo gaarayna ma jiraan”ayuu yiri Cali Gacma-dulle oo ka jawaabayay weydiin ahayd inta uu la egyahay khasaaraha ka soo gaaray Dagaalkii saaka ka dhacay Xaafadaha ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa saaka wuxuu sheegay in ay Ciidamada Dowladda kala wareegeen fariisimo ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, isla markaana ay ka dileen 10 Askari, halka uu sheegay in ay dhinacooda ka geeriyoodeen 2 dagaalyahan.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijisay khasaaraha  labada dhinac ka soo gaaray dagaalkii saaka dhexmaray oo ay isugu adeegsadeen madaafiic xooggan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia