Iiraan oo Indheer-garadka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay xaliyaan dhibataada Soomaaliya

Cabirka Farta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Mr. Manouchehr Mottaki
Arbaco, July 16, 2008(HOL): Dowladda Iiraan ayaa waxay ugu baaqday Indheer-garadka Soomaaliyeed in ay xaliyaan mushkiladda mudada dheer ka taagan Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Mr. Manouchehr Mottaki ayaa sheegay in Indheer-garadka Soomaaliyeed haddii ay dadaal muujiyaan ay xalin karaan mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dowalddiisa taageereyso xalinta dhibaatada Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay madaxa Warfaafinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa wuxuu hadalkan jeediyay kadib markii uu wada hadallo la qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Iiraan Danjire C/raxmaan Cabdi Xuseen (C/raxmaan Guul-wade).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Mr. Manouchehr Mottaki waxa uu sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay la xiriirto kheyraadka dabiiciga ah ee uu leeyahay Dalka Soomaaliya, kaasi oo indhaha lagu wada hayo, wuxuuna sheegay in ay Dowladdiisa gacan ka geysaneyso sidii loo xalin lahaa dhibaatada Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Iiraan Danjire C/raxmaan Cabdi Xuseen ayaa dhinaciisa waxaa uu uga mahadceliyay Dowladda Iiraan taageerada ay ku ballanqaadeyso inay gacan ka geysaneyso sidii Soomaalida mushkiladdeeda loo xalin lahaa, kadibna wuxuu u gudbiyay Warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Dalka Soomaaliya, isagoo ugu dambeyntiina Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Mr. Mottaki guddoonsiiyay Warqadaha Aqoonsigiisa Danjirenimo ee ay ku soo magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia