Isniin, January 07, 2008(HOL): Dad soo barakacay oo ku sugan magaalada Muqdisho oo muddo 17 sano ah deganaa Dugsigii Farsamada tababarka farsamada gacanta ee magaalada Muqdisho ayaa loogu baaqay in ay muddo 24 saacadood ah uga guuraan halkaas.
Guddoomiyaha Dadka soo barakacay ee ku nool Dugsigii Tababarka Farsamada Gacanta oo lagu magacaabo Duwane Aadan Cali ayaa sheegay in uu amar ka soo gaaray Maamulka Gobolka Banaadir oo dadka ku dhaqan Dugsigaas ugu baaqay in ay deg deg uga guuraan.
“Waxaa noo yimid Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Faal, kaasi oo noo keenay Warqado uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo nagu amray in aan halkaas isaga guurno”ayuu yiri Duwane Aadan Cali.
Duwane Aadan Cali waxaa uu intas ku daray in Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Faal uu u sheegay in ay cabashadooda oo qoraal ah u soo gudbiyaan, isagoo kadibna ka ballanqaaday in uu u gudbin doono Madaxda maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntiina, Dadkani soo barakacay ee loogu baaqay in ay ka guuraan Dusgiga Tababarka Farsamada gacanta ayaa waxay sheegeen in aysan aqoonin meel ay ka aadaan halka ay degan yihiin, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsadeen in haddii ay ka rareyso halkii ay mudada dheer deganaayeen ay u sameyso meel ay degaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia