Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo kiiskiisa loo wareejiyay Maxkamadda Gobolka Bay

Isniin, January 28, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in kiiska guddoomiyihii Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore la xiran oo la yiraahdo Maxamed Nuur Sheegow loo wareejiyay Maxkamadda Gobolka Bay.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in kiiska Guddoomiyihii Maxkamadda sare uu soo farageliyay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isagu ku taliyay in Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow lagu maxkamadeeyo Gobolka Bay, inkastoo warkan uu yahay mid aan u soo bixin si rasmi ah.

Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Haaruun oo muddo seddex bilood ka badan ku xiran Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo eedeeyay dembiyo ay ka mid yihiin in uu lunsaday mushaaraad ay lahaayeen Hay’adaha Garsoorka, in uu sameeyay ku takri-fal awoodeed, musuqmaasuq iyo cadaalad darro.

Xarigga Guddoomiyihii maxkamadda sare ayaa markiisii hore  wuxuu salka ku hayay khilaaf u dhaxeeyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Prof. Cali Maxamed Geeddi, iyadoo markii uu khilaafkaas iska soo dhamaadayna aan la sii deynin Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow.

Sidoo kalena dhawaan ayay ahayd markii seddex garyaqaan oo u doodayay Guddoomiyihii Maxkamadda sare ay shaaciyeen in ay iska casileen howshii ay ku difaacayeen Dr. Yuusuf, waxayna taasi sabab uga dhigeen in muddo dheer xabsi la isaga hayo, isla markaana la diiday in sharciga la hor-keeno waxyaabaha lagu heysto.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, warkan ku saabsan in kiiska Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow loo wareejiyay Maxkamadda Gobolka Bay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday in ay xabsiyada ka sii deyso dadka u xiran, iyado shalay ay ahayd markii 5 xubnood oo ka tirsanaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye la sii daayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia