Isniin, January 21, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay Fariisimo ay ku leeyihiin Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax ayaa saaka waxay labo ruux ku dileen Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay markii ay gaareen Deegaanka Suuqa Xoolaha ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen, kadibna ay iyana fureen raasaas sababtay ay dhinteen labo ruux oo rayid ahaa, kuwaasi oo qaarkood ay Ciidamada si bareer ah u dileen iyagoo arkaya inaysan hubeysneyn.
Goob-jooge ku sugan deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in markii uu iska hor-imaadkaas dhacay ay Ciidamada Itoobiyaanka bilaabeen inay baaritaanno ku sameeyaan guryaha ku yaala deegaanka Suuqa Xoolaha oo intooda badan ay ka bara-kaceen dadkii deganaa.
Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa wuxuu ku yaala inta u dhaxeysa labada fariisin ee ay Ciidamada Itoobiyaanka ka sameysteen Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax, taasina waxay dadka ku dhaqan Deegaanka Suuqa Xoolaha ay ka dhitay kuwo dagaal u joog ah oo ay dushooda ku dagaalamaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.
Ciidamada Itoobiyaanka ee labadaas fariisin ku sugan ayaa la sheegaa in ay marka ay soo baxaan ay doonayaan in ay gudubsadaan sahay uga imaaneysa saldhigyada ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxaana dhacda in marka kasta oo ay soo baxaan ay la kulmaan weerarro xooggan oo uga imaanaya dhinaca Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay labo ruux oo rayid ah ku dhaawaceen Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah meel ay degan yihiin dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho. Ciidamada dhaawaca geystay oo ka yimid dhinaca Degmada Afgooye ayaa la sheegay in ay rasaasta fureen markii ay mari waayeen oo ay xirantay Wadada dhexmarta Deegaanka Ceelasha Biyaha Dadka iyo gaadiidka oo halkaas ku batay aawadeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia