Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi oo la sii daayay kadib markii uu muddo 24 saacadood ah uu xirnaa Maamulka Gobolka Hiiraan

Khamiis, January 17, 2008(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddiisii dib u helay Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi oo Gobolka Hiiraan uga waramaya Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, kaasi oo uu xabsiga dhigay maamulka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) oo lagu eedeynayay in uu ka dambeeyay xariga wariyahan ayaa wuxuu sheegay in sababta loo xiray Ayaanle ay tahay isagoo warar aan dhab ahayn ka tebiyay Gobolka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Yuusuf Daba-geed, wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay Wariyaha in uu sheegay in uusan ammaan ahayn Gobolka Hiiraan, isla markaana ay amni darradaas aawgeed ay mas’uuliyiinta gobolka lugeeyaan oo aysan gaadiid raacin iyagoo ka baqaya in qaraxyo loo dhigo, sidoo kalena wuxuu ku eedeeyay Wariyaha in uu sheegay in Ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha Gobolka ay xabsiga dhigeen mas’uuliyiinta Hay’adda Save The Children ee ka howlgasha Gobolka Hiiraan.

Haddaba, Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi oo markii la sii daayay kadib ka waramay xarigga loo geystay iyo waxyaabaha lagu eedeeyay ayaa wuxuu sheegay in uu xarigiisa ahaa mid aan loo soo marin qaabkii sharciga ahaa, wuxuuna caddeeyay in uu si shakhsi ah u xirtay Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Daba-geed oo sida uu yiri ku xiray Warqad uu ka soo jeexay Buug uu watay.

Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi mar uu ka waramayay Eedeymaha loo soo jeediyay waxaa uu sheegay in uusan wax qaldan sheegin, isla markaana uu ku adkeysanayo in uusan hagaagsaneyn ammaanka gobolka, gaar ahaan kan Magaalada Beledweyne, wuxuuna tusaale u soo qaatay in Guddoomiyaha Gobolka afar jeer loo geystay qaraxyo la doonayay in lagu waxyeeleeyo, sidoo kalena wuxuu sheegay in uu sax ahaa xariga ay ilaalda guddoomiyaha u geysteen mas’uuliyiinta hay’adda Save the Children.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, sii deynta wariyahan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay xabsi ku yaala magaalada Muqdisho oo ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xiran yihiin Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn iyo Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir oo ka tirsan wariyayaasha Idaacadaas, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la caddeynin waxyaabaha ay ku xiran yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia