Afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM oo beeniyay warar ay sii daayeen qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho

Jimco, January 11, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay Cidiamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Captain Buhako ayaa wuxuu beeniyay warar ay sii daayeen qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho oo sheegayay in qaar ka mid ah Ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga la dejinayo xarunta Dugsigii farsamada gacanta ee magaalada Muqdisho iyo sidoo kale war kale oo ahaa in ay Ciidamada Amisom tababarro ka heleen Saraakiil Mareykanka ah.

Afhayeenka u hadlay Ciidamada Amisom waxaa uu sheegay in aysan jirin baahi ay Ciidamadooda u qabaan in ay degaan Dugsiga Tababarka Farsamada gacanta oo ay haatan ku nool yihiin Dad ka soo barakacay Gobollada Dalka Soomaaliya iyo weliba kilinka shanaad ee is-maamulka Soomaalida, "wararka ay Idaacadaha sii daayeen waa kuwo aaney waxba ka jirin, qorshahana uguma jirto ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Burundi in ay degaan Dugsiga Polytechnico"ayuuna yiri Captain Buhako.

Sidoo kalena, Afhayeenka u hadlay Ciidamada Amison waxaa kale oo uu si kulul u beeniyay in Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan ay tababarro siinayaan Saraakiil Mareykan ah, wuxuuna sheegay in ay Ciidamadooda qabaan tababar ku filan , "Ciidamada Uganda waxay qabaan tababar qaran, sidoo kalena Ciidamada Burundi iyo kuwa Nigeria waxay qabaan tababar qaran, sidaas darteed ma jirto baahi ay u qabaan in la tababaro"ayuu yiri Captain Buhako oo lagu bedelay Afhayeenkii hore ee Ciidamada Amisom Captain Paddy Ankunda oo u dalacay Taliyaha Ciidamada Difaaca Dadka Uganda.

Ugu dambeyntiina, Afhayeenka u hadlay ciidamada Amisom waxaa uu sheegay in ay aad u kooban tahay howsha nabad ilaalinta ah ee ay Muqdisho ka hayaan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay howlgalladooda ballaarin doonaan haddii ay soo dhameystiraan Ciidamada Amisom ee laga sugayo qaar ka mid ah dalalka Midowga Afrika.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia