Nin Kariye ka ahaa Jiko lagu qaadiyo Dadka soo barakacay oo Magaalada Muqdisho lagu dilay

Talaado, February 05, 2008(HOL): Dil qorsheysan oo ay fuliyeen Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa saaka waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
 
Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa marxuumka waxay ku dileen gudaha Jiko raashin loogu kariyo Dadka soo barakacay oo ku taala Degmada Dharkeenley, waa sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmadaas Macallin Cabdulle Cali.
 
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in ninkaas ay dileen sida uu hadalka u yiri kooxihii dadka dili jiray, wuxuuna sheegay in ay haatan Ciidamada Booliska Degmada Dharkeenley ay dabagal ku hayaan raggii ka dambeeyay dilka ninkaas.
 
Ninka saaka lagu dilay Degmada Dharkeenley ayaa ahaa ninkii labaad oo Kariye ahaa  Jikooyinka lagu quudiyo Dadka soo barakacay ee Magaalada Muqdisho, iyadoo horay loo dilay nin kale oo Kariye ka ahaa Jiko ku taala Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ay ka mid tahay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geysto dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la sheego in ay dilalkaasi ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia