Talaado, February 26, 2008(HOL): Meydka Marxuum Jen. Cabdi Kaahiye Faarax (Harag Shabeel) ayaa maanta si heer Qaran ah loogu aasay Dugsiga sare ee Booliska, iyadoo ay aaskiisana ka qeybgaleen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Mas’uuliyiin ka socday labada gole ee Dowladda iyo weliba mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.
Halkii lagu aasay Marxuumka waxaa ka hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in ay marxuumka is-yaqaaneen muddo 42 sanadood ah oo ay saaxibo ahaayeen, isla markaana uu ahaa nin Wadani ah oo howl kar ah.
Madaxweynaha oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in qaabka loo dilay Ex Sareeye Guuto Cabdi Kaahiye Harag Shabeel uu ahaa mid laga xumaado, “ Sareeye Guuto Cabdi Kaahiye waa qorneyd in la dilo isagoo horfadhiya gurigiisa balse waxaa ayaan darro heysata ah Dadka Soomaaliyeed in la dilo dad gurigooda iska horfadhiya sidii loo dilay oo kale Jen. Harag Shabeel”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo tacsi u diray Qoyskii, Ehelladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Harag Shabeel.
Intaas kadib madaxweyne Yuusuf ayaa waxaa uu ku taliyay in Dugsiga sare ee Booliska lagu magacaabo Jen. Cabdi Kaahiye, isagoo taasina sabab uga dhigay in uu marxuumka howl muhiim ah u soo qabtay Booliska Soomaaliyeed, uuna ka mid ahaa Saraakiishii xafiday Dugsiga sare ee Booliska.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadaha Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa isaguna ka hadlay halkii lagu aasay marxuumka, wuxuuna sheegay in ay Jen. Cabdi Kaahiye muddo dheer saaxibo ahaayeen, ayna soo wada shaqeeyeen, isagoo ku tilmaamay nin howl-kar ah, wuxuuna intaas kadib tacsi u diray Booliska Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu marxuumka ka geeriyooday.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo sheegay in marxuum Harag Shabeel uu ahaa nin Wadani ah oo jecel in uu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabto, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Wadaniyaddiisa ay caddeyneysay sida uu ugu dhex jiray Booliska Soomaaliyeed isla markaana uu xafiday Dugsiga sare ee Booliska.
Ex Jen. Cabdi Kaahiye Harag Shabeel ayaa wuxuu ahaa Sarkaalkii Usha u hayay Kooxda Muusikada Baambeyda ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhex muuqan jiray munaasabada Qaran ee Dalka oo ay isaga iyo Kooxdiisa Gaado-ka-cayaar ku soo mari jireen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee marxuum Cabdi Kaahiye Harag Shabeel oo ifka kaga tegay dhowr iyo toban Caruur ah waxaa shalay lagu dilay iridka gurigiisa oo ku yaala Degmada Xamar Ja-jab ee Gobolka Banaadir, waxaana maanta lagu aasay Dugsiga sare ee Booliska.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia