WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOOMAALIYA: “Waxaa jiro Dadaal ay waddo Beesha Caalamka oo la doonayo in la isku soo horfariisiyo Dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda”

Jimco, February 15, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay ugu dambeynta isa soo horfariisan doonaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, isla markaana ay wax isla meel dhigi doonaan.

“Waxaa jira dadaal ay waddo Beesha Caalamka oo la doonayo in la isku soo horfariisiyo Dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda” ayuu yiri Muuse Nuur Amiin oo ka qeybqaadanayay Barnaamijka Hadal-heynta Todobaadka ee Jimco kasta ka baxa Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka mar wax laga weydiiyay sida ay u arkayaan shuruudda ay wada hadallada ku xirayaan mucaaradka Dowladda ka soo horjeeda ee ah in ay marka hore baxaan Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa uu sheegay in aysan taasi ula muuqan mid macquul ah, wuxuuna caddeeyay in loo baahan yahay in aan wada hadalka shuruud lagu xirin, isla markaana arrinta bixinta Itoobiyaanka laga wada hadlo marka ay labada dhinac isu yimaadaan.

“Waxaa loo baahan yahay in la wada hadlo oo meel la isla dhigo sidii ay Ciidamada Itoobiya u bixi lahaayeen ee ma ahan in wada hadallada shuruud lagu xiro”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay mushkiladda ka taagan Suuqa Bakaaraha oo ay waddooyinka lagu galo ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo inta badan ay iska hor-yimaadaan kooxo Dowladda ka soo horjeeda ayaa wuxuu sheegay in ay la socdaan xaaladda Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay ku howlan yihiin sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan Suuqaas, isagoo weliba xusay in ay wada hadallo la leeyihiin ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

“Waxaan ka xunnahay dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha, hayeeshee waxaan ku dadaali doonnaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka jirta”ayuu yiri Muuse Nuur Amiin oo sheegay in marka wax la qabanayo ay dhibaatooyin dhacayaan hayeeshee sida uu u yiri aysan ahayn kuwo ku talagal ah.

Hadalka Wasiirka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ku dhawaad muddo todobaad ah aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay iyadoo ay mar walba isku rasaaseeyaan Wadadaas Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Isgoyska Howl-wadaag iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia