CUMAR XAASHI: "Waxaan diyaar u nahay inaan la wareegno saldhigyada ay ka baxayaan Ciidamada Itoobiya”

Cabirka Farta

Talaado,  December 23, 2008(HOL): Xoghayaha Arrimaha Gudaha  Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Col. Cumar Xaashi Aadan oo ku sugan Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in Isbahaysigu uu diyaariyay ciidamo la wareegan dhamaan saldhigyada ay ka baxayaan ciidamada Itoobiya.

Col. Xaashi ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in aysan amni darro imaanin marka ay baxaan ciidamada Itoobiya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dhinac walba oo ka mid ah mucaaradka ay ugu baaqayaan inay heshiiska qaybtooda ka qaataan.

"Waa warar aan run ahayn in dagaallo ay ka dhacaan Soomaaliya marka ay baxaan ciidamada Itoobiya, balse waxaa imaaneysa in Soomaalida ka tashato aayaheeda" ayuu yiri Col. Cumar Xaashi Aadan.

Xoghayaha Isbahasiga dib u xoreynta Col. Cumar Xaashi oo la weydiiyay sida ay u arkaan go'aanka kooxaha ka horjeeda heshiiskii Jabuuti ee ahaa inay dagaal sii wadayaan ayaa sheegay inay cid walba nabad ugu baaqayaan, ayna filayaan inay tixgeliyaan codsigaas.

Shiikh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomalaiya Garabka Jibouti ayaa dhawaan ka sheegay Muqdisho inay diyaar u yihiin inay la wareegaan dhamaan saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya, ayna xasilinyaan dalka.

Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujinaysa is-badalka ammaan iyo midka siyaasadeed ee Soomaaliya ku imaan kara marka ay dalka baneeyaan ciidamada Itoobiya oo gacan siinayay dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan Madaxdeeda ugu sareysa ay is-khilaafsan yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia