Isniin, December 15, 2008(HOL): Wararka laga helayo Deegaanka Qoox oo ka tirsan Tuulada Moqokori ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen Ciidamo ka tirsan Maamulka Islaamiga Gobalka kadib markii dhawaan halkaas kooxo hubeysan ku dileen Dad Rayid ah.
Wararku waxaa ay intaas raacinayaan Saraakiisha Ciidamada Maamulka Islaamiga ah in ay kulamo la qaateen Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka ay kaga wada hadleen dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaannada ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, gaar ahaan dilkii ugu dambeeyay oo kooxo hubeysan ugu geysteen gudaha deegaanka Qoox 4 ruux oo rayid ah.
Saraakiishu waxaa ay ku hanjabeen in aan marnaba laga hari doonin kooxihii geystay falka dilka ah isla markaana la horkeeni doono Shareecada Islaamka, iyagoo dhinaca kalena ka dalbaday Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka in ay gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaa kooxaha weerarka geystay.
Sidoo kale waxaa Tuulada Aadan Yabaal oo ka tirsan Gobalka Shabeelada dhexe lagu soo waramayaa in ay gaareen Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga oo ka tagay Degmada Jowhar kuwaas iyaguna ku dadaalaya sidii loo soo heli lahaa kooxaha la sheegay in ay dilka ka geysteen Deegaanka Qoox.
Iskaashiga Ciidamada labada Gobal ee Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka ku dhaqan goobaha Colaaduhu ka taagan yihiin kuwaa soo si weyn uga xumaaday dilalka ku saleysan aargoosiga qabiil ee wali ka dhax socda beelaha kala degan Gobalada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamo ka tirsan Maamulka Islaamiga ee G/Hiiraan oo gaaray Deegaanka Qoox oo ka tirsan Tuulada Moqokori halkaas oo ay dhawaan kooxo hubeysan ku dileen Dad Rayid ah.
Cabirka Farta
More News
- Wareysi: Guddoomiyah Baarlamaanka Soomaaliyeed
- Abwaan Sangub iyo Koox Fannaaniin ah oo u horkacayo oo maanta gaaray Magaalada Boosaaso
- Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde
- Banaanbaxyo looga soo horjeeday xil-ka-qaadistii uu Madaxweyne Yuusuf ku sameeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Muqdisho ka dhacay
- Xafiis uu leeyahay TV-ga ku hadla Af-Soomaaliga ee Universal oo laga hirgelinayo Koofur Afrika
- Maamulka Degmada Boosaaso oo lagu eedeeyay Masuq Maasuq Dhanka Caanshuuraadka ah