Magan Daahir oo ku guulaystey koobka kubada miiska Top 12 Breda Holland

Cabirka Farta


Jimco, December 12, 2008(HOL): Sanad walbo,waxaa magaalada Brede dalka Holland lagu qabtaa tartan Kubadda Miiska (Tafeltennis), loona qabto 12-ka ciyaaryahan ee dalka Holland ugu fiican ciyaarta Kubadda Miiska, kuwaas oo magacyadoodu kala ahaayeen:























1- RUDY VAN DER KOOY.
2- JAN KOOTSTRA.
3- TOM PELZER.
4- JOLANDA PAARDEKAM.
5- MAGAN TAHIR.
6- KEES KUPERS.
7- ERWIN WESTRA.
8- KELLY VAN DE ZOON.
9- TONNIE HEIJNEN.
10-RONALD VIJVERBERG.
11-ARNO VAN DAATSELAAR.
12-BRANKO PUSKARIC.
 
Tartankaan waxaa dhiga isla markaana maamula Nederland Tafel Tennis Bond (NTTB) ama aan iraahdo (Xiriirka kubadda miiska ee Netherland)
Tartankaan ayaa barnaamijkiisa u dhacayay sidatan:
9:15 imaashaha cayaartooyda garoonka.
10:30 biloowga cayaarta.
14:30 Semifinalka 4-ta usoo baxday is aragooda.
17:00  koobab bixinta iyo xiritaanka xaflada.
 
Tartankaan ayaa waxaa ka qayb galaya ciyaaryahanka Soomaaliyeed balse ka mid laacibiinta ciyaarta kubadda Miiska Magan Dahir Yusuf oo ay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraan mucjisada kubada miiska, isla markaana ka tirsan xulka kubadda miiska dalka Holand.

Magan Dahir ayaa tartankaan 3-dii sanadood ee la soo dhaafay kaalin 1aad ka galay, balse sanadkaana rajaynaya inuu ku guulaysto isla markaana u soo galay diyaargaroow adag.

Ugu dambeentiina  waxaa kaalinta kowaad ka galay koobka isla markaana markii 4aad  laacibka ugu wanaagsan dalka Holand,ciyaaryahan Magan Dahir Yusuf  kadib markii uu kaalinta kowaad ka galay tartankii  TOP 12 ugu wanaagsan Tafel Tennis-ka dalka Holand, kaalinta labaadna waxaa galay Ciyaaryahanka la yiraahdo Rudy van der.
Magan Dahir Yusuf oo aan wacay si aan wax uga ogaado cida ku guulaystey tartanka ayaan su'aalay cida koobkii ku guulaystey maanta?.

Magan ayaa igu jawaabay''yaa kale hee isagoo qoslaayo oo faraxsan'' taas oo aad ka garan karto sida uu iskugu kalsoon yahay ciyaaryahankan marka ay noqoto ciyaarta kubadda miiska. inkastoo kaftan aan mooday hadalkiisa ayaana hadana waxaa ka soo hubiyay website xiriirka kubadda miiska dalka Holand ( NTTB), halkaas oo warbixin ka hadlaysa guusha Magan lagu daabacay 7 December shabakada Internetka.

Run ahaantii markaan eego kaalinta Magan uu kaga jiro Sport-iga ayaan oran karaa inuu hormood  u noqon karo Magan nin ay kaga daydaan heerka uu is gaarsiiyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo Qurbahaba, Xigmad Soomaaliyeed ayaa oranaysa '' dadaalaa wuu garaa'' Rol model-na and true Sportsman.



Yusuf Maxamed Yusuf
Sports Editor SSPAMEDIA
[email protected]
London, UK