Isniin, December 01, 2008(HOL): Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in uu shan ruux u soo xirxiray tuhun la xiriira in ay ku lug lahaayeen af-duubka wariyayaal Soomaali iyo Reer Galbeed isugu jira oo todobaadkii hore laga qafaashay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in baaris kadib ay soo xireen shantaas ruux oo loo maleynayo in ay ka dambeyeen af-duubka wariyayaashaas, wuxuuna intaas ku daray in haatan arrintooda si qoto dheer loo sii baarayo.
Wariye u dhashay Ingiriiska iyo Sawir qaade u dhashay dalka Spain ayaa todobaadkii hore laga qafaashay Magaalada Boosaaso xili ay doonayeen in ay halkaas ka dhoofaan kadib dhowr maalmood oo ay howlo shaqo u joogeen Magaaladaas.
Xaalka wariyayaashan oo kala ah Colin Freeman oo Britain u dhashay, una shaqeynayay Jariidada Daily Telegraph iyo José Cendón oo ah Sawir-qaade madax bannaan oo Spain u dhashay iyo Cawaale Jaamac iyo Mukhtaar Saciid oo wariyayaashaas la shaqeynayay ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn sida uu yahay, waxaana ka wel welsan qoysaskooda iyo hay’adihii warbaahineed ee ay la shaqeynayeen.
Bishii December ee sanadkii 2007 ayaa Buuraleyda Boosaaso waxaa lagu af-duubtay Wariye Faransiis ah oo lagu magacaabo Gwen LeGouil, kaasi oo doonayay in uu ka soo waramo sida ay Xeebaha Puntland uga baxaan Dadka u tahriiba Dalka Yemen.
Ugu dambeyntiina, Dalka Soomaaliya waxaa horay af-duub loogu heystay labo Wariye oo u kala dhashay Dalalka Canada iyo Australia, kuwaasi oo kala ah Amanda Lindhout iyo Nigel Brennan, kuwaasi oo iyana Soomaaliya u tegay in ay ka soo waramaan dhibaatooyinka nololeed ee heysta Dadka ku barakacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia