Sabti, August 09, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu ka dhacay gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalkan oo dhexmaray Ciidamo Boolis ah oo dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya iyo Ciidamada Maamulka Degmada Afgooye ayaa wuxuu sababay dhimashada 7 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Ciidamadii Booliska, halka shanta kalena ay isugu jireen Ciidamadii Degmada iyo weliba Dad rayid ah.
Sida ay sheegeen Dad ku sugan Degmada Afgooye oo aan la xiriirnay dagaalka ayaa wuxuu bilowday kadib markii Ciidamada Booliska oo ka yimid dhinaca Magaalada Baydhabo ay soo galeen Degmada, kadibna ay isku dayeen in ay howlgallo bilaabeen, iyadoo kadibna ay dagaal iskala hor-yimaadeen Ciidamada Maamulka Degmada Afgooye oo intii uu dagaalka socday gacan ku heynta Degmada lagala wareegay.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo Mileteri ah oo lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ay iyaguna afar ruux oo lagu sheegay Ciidamada Maamulka Degmada ku dileen gudaha Degmada Afgooye, iyagoo kadibna uga sii tallaabay dhinaca Magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaray Degmada Afgooye-na waxay sheegayaan in ay xaaladda degan tahay , isla markaana ay Ciidamadii Booliska ahaa u dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Muqdisho oo markii horeba ay ku sii socdeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia