Sabti, August 23, 2008(HOL): Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo dhinaca Gaashaandhigga u qaabilsanaa Maxkamadihii Islaamka ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in Xoogagga Al-shabaab ay kaligood la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.
Shiikh Yuusuf oo la hadlayay Idaacadda Horn Afrik ayaa wuxu sheegay in gacan ku heynta magaalada Kismaayo ay si wadajir ah ula wareegeen Maxkamadaha Islaamka, Jabhatul Islaamiya iyo Al-shabaab, wuxuuna caddeeyay in haatan ay Xoogagga seddexdaas qeybood ay ku wada sugan yihiin magaalada Kismaayo.
Waxaa uu sheegay Shiikh Yuusuf in maamul islaami ah loo sameyn doono Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo nabadgelyo ku soo dabaali doona gobolkaas oo uu sheegay in ay dhawaanahan ka jireen falal nabadgelyo darro ah.
Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde waxaa uu sheegay in dhinacyada wadajirka ula wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ay yihiin kuwo ku mideysan jhaadka iyo difaacidda Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulka, isagoo xusay in aysan jirin wax gaar ah oo ay ku kala duwan yihiin.
Mar wax laga weydiiyay cabsi ay ka qabaan in Magaalada Kismaayo ay weerar ku soo qaadaan xoogag dibadda uga yimaada ayuu sheegay in aysan taasi wel wel ku heynin, wuxuuna caddeeyay in aysan marka horeba nabad iyo wanaag ka sugeynin cid kasta oo ku soo duusha Soomaaliya.
Hadalka uu sii daayay Shiikh Yuusuf Indha-cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gacan ku heynta magaalada Kismaayo lagala wareegay Maleeshiyo beeleedyo in muddo ah gacanta ku hayay, kuwaasi oo magaalada ay farahooda ka baxday kadib dagaal seddex maalmood socday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia