Seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Addis Ababa u amba baxay

Cabirka Farta

Jimco, August 15, 2008(HOL): Waxaa saaka ka amba baxay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo-na ay sheegayaan in uu isna halkaas ka amba baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe).

Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u amba baxeen Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo la filayo in ay madaxda Itoobiya ku dhexdhexaadiyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ayay wararku sheegayaan in sababta loogu yeeray ay la xiriirto qaboojinta qalalaase ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya oo beryahan Xildhibaannadiisa ay aad u kala qeybsan yihiin, lana kala safan yihiin Madaxweyne C/llaahi  Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa khilaafka haatan u dhaxeeya wuxuu soo shaac baxay kadib markii uu Ra’iisal Wasaaraha xil-ka-qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), iyadoo Madaxweynahana uu xil-ka-qaadistaas ka soo horjeestay.

Waxaa iska cad in marka ay labada mas’uul tagaan dalka Itoobiya ay Dowladda Itoobiya midkood ku qancin doonto in uu tanaasul ka muujiyo mowqifka uu ku dhegan yahay, iyadoo taasina ay horay u sameysay Dowladda Itoobiya mar ay is-qabteen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Dowladda Itoobiya ayaa tan iyo markii ay Ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya, isla markaana ay la safteen Ciidamada Dowladda waxaa ay saameyn weyn ku leedahay Arrimaha siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan tan ay ku shaqeyso Dowladda Fedeaalka, waxaana mar kasta oo khilaaf uu soo kala dhexgalo madaxda Dowladda la maqlaa Itoobiya ayaa u yeertay Madaxda sare ee Dowladda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia