Axad, 10 August, 2008(HOL): Waxaa ku sii qul-qulaya Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, kuwaasi oo dhawaanahan ka maqnaa xarunta Baarlamaanka.
Xildhibaannadan oo ka kala tegay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa lagu sheegay sababta ay Baydhabo isaga xaadirinayaan iyagoo ka jawaabaya baaqyo uga yimid Guddoonka Baarlamaanka kaasi oo ah in ay mudanayaasha baarlamaanka muddo gaaban ku soo gaaraan Magaalada Baydhabo.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegayin Xildhibaannada marka ay ku soo uruuraan Magaalada Baydhabo uu baarlamaanka guda geli doono howlo u yaalla oo qaarkood ay xasaasi yihiin.
Warar aynu ka helnay qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxay sheegayaan in Mudanayaasha Baarlamaanka oo la kala safan madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo haatan khilaaf uu soo kala dhexgalay ay siyaabo iska soo horjeeda u qorsheynayaan mooshinno iska soo horjeeda oo ka dhan ah Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxaana la sheegayaa in ay arrintaas si weyn ugu ololeynayaan Xildhibaanno ka kala tegay Muqdisho iyo Nairobi iyo weliba kuwo horay u sii joogay Magaalada Baydhabo.
Inkastoo aanu Guddoonka Baarlmaanka si muuqata u soo hadal qaadin khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, hadana waxaa la eegi doonaa sida uu Baarlamaanka Soomaaliya u wajaho khilaafka soo kala dhexgalay labadaas mas’uul oo salka ku haya xil ka qaadis ay Xukuumadda Federaalka ku sameysay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere, taasi oo uu Madaxweynahana ka soo horjeestay.
Baarlamaanka Soomaaliya oo waqtiga jiritaankiisa uu ku egyahay 22-ka Agoosto 2009 ayaa mudadii uu soo jiray wuxuu inta badan waqtigiisa ku qaatay mooshinno uu ka geeyo Xukuumadihii la soo dhisay, iyadoo la sheego in ay inta badan mooshinnadaas geeyaan Baarlamaanka Xildhibaanno lagu soo dari waayay Liiska Xukuumadaha la soo dhiso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia