Ciidamo Itoobiyaan ah oo Qarax Miino lagula beegsaday Duleeedka Magaalada Baydhabo

Cabirka Farta

Isniin, April 28, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay gudaha magaalada Baydhabo qarax lagula beegsaday halka lagu magacaabo Cadaadda oo duleedka Baydhabo ah.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa marka qaraxa lala beegsanayay waxay ka soo baxeen Magaalada Baydhabo oo ay joogaan maalin kasta subaxdii ilaa duhurradii, waxayna ku sii jeedeen markii la qarxinayay fariisin ay ku leeyihiin duleedka Baydhabo.

Lama oga ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray qaraxaas, waxaase la sheegay in ay qaraxaas kadib Ciidamadu toogeen Dad Rayid ah oo ku sugnaa nawaaxiga halka uu qaraxa ku qabsaday, waxaana Dad rasaastaas ku dhaawacmay la dhigay Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabana waxay sheegayaan in haatan ay xaaladda magaaladaas degan tahay, isla markaana ay si caadi ah u socdaan dhaqdhaqaaqii Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga, kuwaasi oo wax xoogaa hakad galay kadib markii uu dhacay qaraxa lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax loogu geysto Magaalada Baydhabo iyo duleedyadeeda Ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo gudaha magaalada qarax loogu geystay, iyadoo sidoo kalena ay jireen Askar Itoobiyaan ah oo gudaha Baydhabo lagu dilay xili ay ka adeeganayeen Suuqyada halkaas ku yaala.

Si kastaba arrintu ha haatee, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa muddooyinkan waxaa sii xumaanayay Ammaankeeda, waxaana ka dhacay dilal lala beegsaday saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka iyo qaraxyo lagu weeraray guryo ay degan yihiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia