Jimco, April 18, 2008(HOL): Labo Ruux ayaa geeriyootay Seddex Ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta iska hor-imaad ku dhexmaray gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Iska hor-imaadkan oo u dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed ayaa wuxuu dagaalkooda salka ku hayay muran ka dhashay lahaanshaha dhulka uu ku yaallo Dhismaha Warshaddii Labanka ee Soomaaliya, taasi oo haatan dhulkeeda laga sameeyay Suuq ay ku ganacsadaan Dadka Degmada Afgooye.
Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan in iska hor-imaadka labada maleeshiyo oo socday qadar nus saac ah, isla markaana la isugu adeegsaday hub noocyo kala duwan leh uu saameyn ku yeeshay ganacsigii ka socday Suuqa Degmada Afgooye oo maalin kasta oo Jimco ah looga yimaado Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadkii ku ganacsanayay Suuqa uu dagaalka ka dhacay ayaa markii uu bilowday iska hor-imaadka waxay u carareen guryahooda, si ay uga badbaadaan rasaasta aan loo meel dayin ee ay maleeshiyooyinka dagaalama isu adeegsanayaan.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Afgooye, kaasi oo ku saabsan iska hor-imaadka maanta degmadaas ka dhacay iyo weliba mowqifka uu maamulka degmada ka qabo muranka labada Maleeshiyo Beeleed u dhaxeeya.
Dhanka kalena, Deegaannada Calamada iyo Ceelashaha Biyaha oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa maanta ka dhacay dibadbax ay soo qaabeeyeen Dadka ku nool Deegaannadaas oo u badan Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho.
Dadkani oo aad u faro badnaa ayaa waxay ka cabanayeen sicir bararka sii baahaya ee ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, kaasi oo saameeyay Dadka ku dhaqan Deegaannada ay Dibadbaxyadu ka dhaceen bacdamaa goobaha ganacsi ee deegaannadaas ku yaal ay ku xiran Suuqyada Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Iska hor-imaad Dhimasho iyo Dhaawac sababay oo ka dhacay Degmada Afgooye
Cabirka Farta
More News
- Dagaal xooggan oo galabta ka dhacay Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo seddex goobood oo Muqdisho ku yaala qaraxyo lagula wareeray
- Wadaad Imaam ka ahaa mid ka mid ah Masjidyada Baydhabo oo xalay la dhaawacay
- Hubkii Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ay la wareegeen Saraakiisha Itoobiya ee joogta Degmada Feer-feer.