Muxuu u baaqday Kulan ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen Magaalada Baydhabo?

Axad, November 04, 2007(HOL): Waxaa maalintii labaad dib u dhacay kulan ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen Xaruntooda KMG ah ee ADC-da, kaasi oo ay uga doodi lahayeen go’aano ka soo baxay shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi oo ka mid ah Xoghaynta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in kulankii ay maanta isugu imaan lahaayeen Mudanayaasha Baarlamaanka loo baajiyay sabab la xiriirta iyadoo ay dhisme ka  socoto qeybta ay fariistaan Guddoonka Baalamaanka, taasi oo alwaax ka sameysneyd kadibna burburtay.

 

Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi waxaa uu intaas ku daray in shirka Baarlamaanka la baajiyay kadib markii farsamayaqaannada dhismaha ka wada Xarunta Baarlamaanka ay sheegeen in aaney suurtagal ahayn in uu maanta shir ku qabsoomo, wuxuuse caddeeyay in maalinta berri ah uu kulankaas qabsoomi doono.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  haddii uu maanta qabsoomi lahaa kulankooda waxay dhegeysan lahaayeen warbixinno ay ka soo jeedin lahaayeen  Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka iyo Guddiga Dib u heshiisiinta Buug loo qeybiyay Xildhibaannada Baarlamaanka  oo ay ku qoran yihiin go’aanno ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi waxaa kale oo  uu sheegay in kulamada soo socda ee Baarlamaanka ay yihiin kuwo xasaasi ah, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in uusan Dalka lahayn Xukuumad iyo Ra’iisal Wasaare, isla markaana la doonayo in ay Mudanayaasha Baarlamaanka ay si deg deg ah uga doodaan go’aannadii ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ah kuwo la doonayo in uu Baarlamaanka meel mariyo, si Ra’iisal Wasaaraha loo soo magacaabo.

 

Qodobka ku saabsan in Xubnaha Xukuumadda laga keeni karo Baarlamaanka gudahiisa iyo Dibaddiisa oo ku dhigan Buugga loo qeybiyay Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa wuxuu noqonayaa midka ugu xasaasisan oo ay Xildhibaannada ku kala aragti duwanaaan doonaan, iyadoo la ogyahay in ay Baarlamaanka ku jiraan Xildhibaano ku dhegan in Xubnaha Xukuumadda ay ka yimaadaan kaliya gudaha Baarlamaanka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia