Axad, November 18, 2007(HOL): Waxaa sii kor dhaya Shakiga laga qabo Is abaabulka iyo dhaq-dhaqaaqyo qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ay ka wadaan Kooxihii ka tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga Kuwaasoo qaar kood lagu sheegay in ay ku sugan yihiin dhulka Buuraleyda ah ee ku teedsan deefaha Magaalada Beledweyne.
Ciidamada Nabad-galyada Dowlada federaalka ee ku sugan Gobalka Hiiraan ayaa Maalmihii aynu soo dhaafnayba waday dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-galo la gula soconayo arimaha ku saabsan is abaabulka Kooxahii Maxkamadaha kuwaasoo habeen iyo maalin kormeer ama (Roodo) ku sameeyo Jidadka soo gala Gudaha magaalada.
Marka Lagaaro Xiliga Habeenkii waxaa inta badan la wareega Nabad-galyada guud ee Magaalada Beledweyne Ciidamada ka tirsan Booliska kuwaasoo dhawaan Tababar ugu soo dhamaaday Deegaanka Carmo oo ka tirsan ismaamul gobaleedka Puntland, waxaana ay Ciidamada si gaar ah u ilaaliyaan xarumaha Dowalada sida Saldhigyada Boliiska iyo waliba Xarunta Maamulka Gobalka.
Sidoo kale Ciidamada Boliisku waxaa ay xiliga habeenkii isku qeybiyaan is-goosyada Magaalada iyaga oo dadka kana celiya in ay soo maraan agagaarka xarumaha Dowlada marka la gaaro wixii ka danbeeya 10:30 Habeenimo.
Warar Xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa maalintii shalay sheegay in Ciidamada Dowlada federaalka ee ku sugan Deegaanka Kala-beyr gacanta ku dhigeen gaari siday walxaha qarax oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo gudaha Magaalada Beledweyne inkastoo dhinaca maamulku arintaa uusan ka hadlin.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa siweyn uga cabsi qaba wararka isa soo taraya ee ku saabsan in uu jiro Is abaabul ay wadaan kooxo ka tirsanaa Maxkamadihii islaamiga, waxaase arimaha uga sii daray kadib markii qeybo ka mid ah magaalada lagu arkay warqado ka turjumaya Digniino culus oo loo jeedinayo sida hadalka loo dhigay kuwa u adeega Ciidamada Cadowga oo loola jeedo kuwa Itoobiya taasoo ah mid dadku u arko arimo carqaladeen kara Nabadgalyada hada jirta.
C/raxmaan Diini,Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamada Dowladda Federaalka ee ka howlgala Gobolka Hiiraan oo adkeeyay Ammaanka Deegaanada hoos-taga Gobolkaas
More News
- 3 Qof oo xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo iyo banaanbax dilkaas looga soo horjeedo oo maanta dhacay
- Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Asmara ku soo gebagebeeyay Tababar Saxaafadeed
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka ku dheelmaday Degmada Dayniile oo ay howlgallo baaris ah ka sameynayaan
- Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka oo xalay toogtay Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Degmada Waaberi
- Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo si tartiib-tartiib ah u bilaabaya howlahooda Ganacsi