Arbaco, December 19, 2007(HOL): Waxaa inta badan Maanta Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Soomaaliya si weyn looga Oogay Munasabada Ciida Carafo oo ah Munaasabad ku weyn umada Muslimiinta ah Meel kasta oo ay ku sugan yihiin.
Gobalka Hiiraan oo ka mid ah gobalada Dalka Soomaaliya ee siweyn looga Damaashaaday ayaa markii uu waagu baryay waxaa inta badan ka Bilaawaday Misjidyada ku yaala Magaalada Beledweyne (Takbiirta Ciida ) waxaana si aan kala go'laheyn u soo gaarayay qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasoo si wada jir ah u Oogay Labada Rakco ee Saalada Ciida.
Laakiin waxaa xusid mudan in Mas'uuliyiinta Maamulka Heer Gobal iyo Degmo midna Maata aan lagu arag Goobihii dadku isugu soo baxay si looga wada qeyb qaato Salaada Ciida, taasoo dadku intiisa badan Su'aalo iska weydiinayay.
Inkastoo dadka Reer Beledweyne maata oo kale ay u tahay maalin aad u weyn ayaa hadda waxaa dhanka kale xusid mudan in ay jiraan Qoysas aan iyagu ka qeyb qaadan Farxada Munaasabada Ciida Carafo gaar ahaan kuwa ka soo barkacay Dagaalada ka dhacay Caasimada Muqdisho.
" Hooyo ka mid ah Qoysaska ka soo Barkacay Magaalada Muqdisho ayaa u sheegtay HOL in ay la socto Ciida Carafo islamarkaana ku faraxsan tahay, lakiin iyada iyo caruuta ay dhashayba aysan ka qeyb-qaadan dabaal dega Ciida Maadaama aysan heysan Nolal ku filan.
Balse Muhiimada ugu weyn ayaa waxaa ay tahay Heer kasta Nolashu ha joogto e' in maanta Qof kasta oo muslim ah uu ka qeyb qaatay dabaal dega Ciida Carafo tasoo ah mid ku weyn Maskaxada Umada Muslimiinta ah gaar ahaan Umada Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Magaalada Beledwweyne ee Gobolka Hiiraan oo maanta si weyn looga ciiday
More News
- Sidee looga Ciiday Magaalooyinka Somaliland?
- Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amar ah in aan la arki karin Askari aan Boolis ahayn oo dhex socda Waddooyinka Muqdisho
- Beelo ku dagaalay Tuulada Xaaji Cali oo ku heshiiyay in la dilo Qofkii hadda kadib Qof dila
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Ciida Carafo aawgeed
- Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka oo dil iyo dhac ka geystay xaafado ka tirsan Degmada Waaberi
- Magaalada Muqdisho oo aan maanta si weyn looga ciidin
- Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoyska Aadan Cadde oo xalay la weeraray