Axad, December 16, 2007(HOL): Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa maanta waxaa kaxeystay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka kaxeystay Hotel uu ku sugnaa.
Afhayeenka ayaa markii la kaxeysanayay waxaa uu ku sugnaa Hotelka Naasa-Hablood oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana gudaha Hotelka kala baxay Ciidamo ka tirsanaa Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo sida uu sheegay qudhiisa dhuumaaleysi ku jira ayaa xaqiijiyay xariga Afhayeenka, wuxuuna sheegay in mar uu wacay taleefoonka Afhayeenka ay ka qabteen rag sida uu yiri isugu sheegay in ay yihiin Saraakiil Nabad-sugid ah, kuwaasi oo u sheegay in ay hayaan C/llaahi Dheere.
“Ninkaas wuxuu u gacan galay raggii xiray Saaxibkiis (Axmed Diiriye), wuxuuna ku xiran yahay sharci darro, waayo ma jirin cid uu dembi ka galay kaliya waxaa uu sheegi jiray tacaddiyada ay geystaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ujeedada loo xiray C/llaahi Dheere iyo Axmed Diiriye ay tahay in aan la sheegin dhibaatada ay dadka ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka.
“Sidaas laguma aamusi doono waana la sheegi doonaa, waayo adduunka waxaa ka jira Xoriyatul-qowl, mana jirto cid la caburin karo”ayuu mar kale yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in xubno ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo uu isaga ku jiro loogu hanjabay in la qab-qaban doono ama la dili doono.
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay u xireen Afhayeenka Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halka uu ku xiran yahay iyo weliba sida ay xaaladdiisa tahay, iyadoo dhowr jeer oo horena laga dalbaday Dowladda Federaalka in ay sii deyso Axmed Diiriye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ay xireen Ciidamada Dowladda Federaalka
More News
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo dhisaya Xukuumad kale oo ka tayo badan tii uu horay u soo dhisay
- Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Nabad-sugidda Kismaayo oo ay kooxo hubeysan meel fagaare ah ku toogteen
- Hay’adda CRD oo howlo nabadeyn iyo dib u heshiisiin ah ka wadda Gobolka Gedo
- Qarax xooggan oo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Wadada Makka Al-Mukarama
- Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo sheegay in Madaafiicdii lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ay ka dambeeyeen Ciidamada Itoobiya
- Nin Rayid ah iyo Nin ku labistaa Dharka Ciidamada oo xalay lagu dilay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho
- Buqada Boodaale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu guuleystay in la xiro kadib muddo shan bilood oo ay fatahaad sameyneysay
- Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo lagu dilay Bar-Koontarool oo ku taala Gobolka Hiiraan
- Maayarkii Degmada Berbera oo Shil gaari ku geeriyooday