Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dembi Baarista oo lagu dilay Boosaaso

Isniin, August 20, 2007(HOL): Sarkaal ka tirsanaa Laanta Dembi Baarista (CID) ee Booliiska gobolka Bari ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso.

 

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yaasiin Cali ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn cidda fulisey falkii lagu dilay.

 

Saraakiisha kala duwan ee laamaha ammaanka ayaa u sheegay Radio SBC in baaritaan baaxad leh uu socdo, iyagoo sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglihii geystay dilka Sarkaalkaas.

 

Maamulka gobolka Bari ayaa sidoo kale sheegay in ay maalinta berrito ah war ka soo saari doonaan dilka Sarkaalkaas ka tirsanaa Ciidamada Dembi baarista Puntland.

 

Cabdulqaadir Nuunow

SBC Boosaaso