Talaado, April 24 (HOL) - Inakstoo magaalada Muqdisha ay habeenkii xalay ahaa iyo saacadihii hore ee saakay ay daganeyd marka loo eego 5tii maalmood ee uu dagaalku ka socday magaalada ayaa haddana madaafiicdii leys weydaarsanayay iyo dagaalladii foolka kafoolka ahaa waxa ay dib u billowdeen barqanimadii maanta.
Madaafiic aad u fara badan oo laga tuurayay goobo kala duwan oo fariisimo u ah ciidamada Itoobiya ayaa waxa ay kusoo hoobaneysaa qeybo kala duwan oo magaalada ka tirsan gaar ahaan Towfiiq, Baar Ayaan, Jamhuuriya, Huriwaa iyo aagagga ku dhawdhaw Hotel Ramadaan .
Sidoo kale madaafiicda hoobiyaha loo yaqaano iyo rasaas fara badan oo habow ah ayaa waxa ay soo gaareysay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisha ee Suuq bacaad iyadoo ganacsigii suuqaasi ka soconayayna uu haatan hakad ku yimid.
Madaafiicda leys weydaarsanayo ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadka rayidka ah inta ilaa iyo haatan la ogyahay
Waxaa wararku ay sheegayaan in ugu yaraan 3 ruux oo rayid ah ay ku geeriyoodeen kudhawaad 10 kalena ay dhaawacyo kala duwani kasoo gaareen madafiicdaasi maanta leys weydaarsanayo.
Dhinaca kale waxaa saakay dib u billaawday dagaalladii baryahanba ka socday aagaggii ay iska hor imaadyada fool ka foolka ahi ka soconayeen .
Rasaas aad u xoogan ayaa waxaa ka socneysa aagga jamhuuriya ee waqooyiga magaalada Muqdisha ,warar ay HOL ka heshay goobtaasi ayaa xaqiijiyay in labada dhinacba ay isku mari la’yihiin dagaalladaasi iyadoo marba koox dhinac loo riixayo.
Sidoo kale dagaallo kulul ayaa waxa ay haatanba ka socodaan agagaarka Hotel Ramadaan ee magaalada Muqdisha oo isagu baryahanba uu aaggiisu furun ahaa .
Dadkii ku haray xaafadaha ku dhaw dhaw hotel-kaasi ayaa saakay madaxa kor u qaadi la’ iyadoo kooxaha la dagaallamaya ciidamada itoobiya ay saaran yihiin dabaqyada ku xeeran hotekla isla markaana rasaasta halkaasi leysku weydaarsanayo ay gaareyso goobo masaafo ahaan ka fog halka uu dagaalku ka socdo.
Inkastoo ciidamada itoobiya ay maalintii shalay aheyd soo gaareen agagaarka Hotel Towfiiq iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah oo sidaasi u badan ayaa saakay halkaasi waxa dagaal rogaal celis ah kusoo qaaday kooxaha dagaalka kula jira iyadoo labada ciidan ay haatan isku jiraan masaafo aad u yar oo aan ka badneyn 90 Mitir.
Dagaal aan sidaasi usii xooganeyn oo goos goos ah ayaa waxa uu ka soconayaa agagaarka Isbartiibada kaasoo u dhexeeya labada dhinac ee baryahanba ku dagaallamayay magaalada Muqdisha kuwaasoo ku sugan labada daafood ee dhismaha Stadium Muqdisho.
Walli waxaa daadsan qeybo ka tirsan magaalada Muqdisha meydad aad u fara badan oo intooda badani ay yihiin dad rayd ah kuwaasoo aanay ilaa iyo haatan suurto galin in la aaso.
Waxaa aad u adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee soogaaraya labada dhinac ee dagaalka isaga soo horjeeda hase yeeshee warar aannu si hoose ku heleyno ayaa waxa ay tilmaamayaan in dagaalklii maanta ay ku geeriyoodeen in kabadan 10ruux oo ka tirsan dhinacyada dagaalamaya.
Hiiraan Online