Wararka Maanta - Talaado- May 02, 2006










· Guddoomiye Baarlamaanka iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in aysan war u heynin in Mareykanku uu dhaqaale siiyo Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada
· Gacan ku dhiigle dilay Macallin Dugsi Qur'aan oo saakay Muqdisho lagu qisaasayo
· Arday Indhoolayaal ah oo ka qalin jebisay Dugsiga Al-nuur ee wax lagu baro dadka aan indhaha wax ka arki karin












Guddoomiye Baarlamaanka iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in aysan war u heynin in Mareykanku uu dhaqaale siiyo Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada

Talaado, May 02, 2006(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay fikirkooda ku aadan warar beryahaan soo baxayay oo sheegayay in Hoggaamiyayaasha ku bahoobay Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada ay taageero maaliyadeed ka helaan Dowladda Mareykanka.

�Ma fileyno in Dowladda Mareykanka ay hadda lacag ku bixineyso sidii ay dadka Soomaaliyeed ugu abuuri lahayd dhibaato�sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo intaas ku sii daray �Ameerikaanku waa saaxibadeen, waxa aan ka fileynana waa kaliya saaxibtinimo�.

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa isaguna muujiyay dareen la mid ah midka uu soo bandhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna Ra'iisal Wasaare Geedi carrabka ku dhuftay in maamulkiisa uusan ilaa iyo hadda qiri karin in Mareykanku uu lacag siiyo Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada. �ilaa iyo hadda ma heyno war rasmi ah oo arrintaas ku saabsan, marka laga reebo warar kutiri-kuteen ah oo meel kasta yaala� ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Geedi.

Dowladda Mareykanka ilaa iyo hadda wax hadal kama aysan bixin in ay taageerto Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada, taasina waxay dad badan u fasirteen in Ameerikaanku uusan ka lug baxsaneyn Isbaheysigan, isla markaana uu ku fushanayo dagaalka uu hoggaaminayo ee uu kula jiro Argagixisada Caalamka (US-led global war on terrorism).

Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada oo la aas aasay 18-kii Febraayo ee aynu ka soo gudubnay ayaa wuxuu dagaal kula jiraa Maxkamado Islaami ah oo Muqdisho ka dhisan, kuwaasi oo xubnaha Isbaheysiga ay ku eedeeyeen in ay Muqdisho ku hayaan Dad Argagixiso ah oo dembiyo ka soo galay dalal dibadda ah.

Xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa maalmahan waxay ka taagan tahay Magaalada Muqdisho, iyadoo maleeshiyooyin u kala daacad ah labada dhinacna ay fariimo ka sameysteen Waddooyin iyo deegaano muhiim ah oo Muqdisho ku yaala. Xiisaddaas u dhaxeysa labada Isbaheysi ee Muqdisho isku haya ayaa waxay sababtay in ay dad badan oo rajo ku nool ahaa ay isaga qaxaan dalka, isla markaana ay u baqoolaan dalal Soomaaliya la deris ah sida Kenya iyo Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 





 




Gacan ku dhiigle dilay Macallin Dugsi Qur'aan oo saakay Muqdisho lagu qisaasayo

Talaado, May 02, 2006(HOL): Mid ka mid ah Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ayaa saakay saacadaha hore dil qisaas ah ku fulineysa gacan ku dhiigle horay u dilay Macalin Dugsi Qur'aan.

Sida uu Saxaafadda u sheegay Taliyaha Ciidamada Maxkamadda Islaamiga ah ee Maka Al-Mukarama ee saldhigeedu yahay degmada Hodan, gaar ahaan Boostadii hore ee Hodan ee deegaanka Bermuuda Axmed Maxamed Maxamuud saakay ayaa halkaasi lagu qisaasayaa Shiikheey Cumar Macallin oo horay u dilay marxuum lagu magacaabi jiray Macallin Cusmaan Cumar Shiikh oo Macallin Dugsi Qur'aan ahaa.

Qisaastan ayaa ka dambeysay kadib markii labada beelood ee ay ka kala dhasheen marxuumka iyo gacan ku dhiiglaha ay ku heshiiyeen sidaas. Marxuum Macallin Cusmaan Cumar Shiikh ayaa la dilay 27/01/2006, iyadoo uu gacan ku dhiiglahan la qisaasayo ku dilay Tooreey.

Taliyaha Ciidamada Maxkamadda Islaamiga ah ee Maka Al-Mukarama ayaa dadka Muqdisho ugu baaqay in ay ka soo qeybgalaan qisaastaas. Maxkamadda Islaamiga ah ee Makka Al-Mukarama ayaa ah Maxkamaddii ugu horeysay ee sanadkan fulisa xukun qisaas ah, iyadoo aan ka mid ahayn midowga Maxkamadaha Islaamiga ah, iyadoo maxkamaddani ay nabad iyo neecaaw ku soo celisay deegaanada ay gacanta ku heyso oo shacabka degani aad ugu diirsadeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 





 




Arday Indhoolayaal ah oo ka qalin jebisay Dugsiga Al-nuur ee wax lagu baro dadka aan indhaha wax ka arki karin

Talaado, May 02, 2006(HOL): Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday dugsiga Al-Nuur waxayna xafladaasi ku saabsaneyd qalinjabin la xiriirta farta Braille-ka oo la barayay dad indhoolayaal ah oo tiradoodu gaareysay ilaa iyo 10 ruux, kuwaasi oo isugu jiray Haween iyo Rag.

Ardaydaas oo mudo bil iyo bar ah baranayay farta Paraille-ka ee ay dadka indhoolayaasha ah wax ku qoraan ayaa waxaa xafladda qalinjabintooda ka qeybgalay mas'uuliyiin ka socotay Hay'adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha, madaxda Hay'adaha Samafalka, Dalladaha Waxbarashada, Jaamcadaha iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyntii halkaasi heeso Anaashiido ah ka aqriyay ardayda wax ka barata dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur kuwaasi oo ay si aad ah ugu qushuuceen dadkii daawanayay.

Macallin Ibraahim Cabdulaahi oo ah Macallin Indhoole ah si aad ahna uga soo qalin-jebiyay farta Braill-ka , waxbarashadiisuna ay tahay ilaa iyo heer Jaamacadeed kana mid ahaa macalimiintii wax bareysay ardayda ayaa waxa uu sheegay in farta Praille-ka ay tahay mid u fududeyneysa dadka indhoolayaasha ah in ay wax qoraan waxna akhriyaan.

�Waa nasiib darro in far la soo saaray labo boqol oo sano ka hor in maanta Soomaaliya ay soo gaarto, gaar ahaan dadka Indhoolayaasha ah� ayuu yiri Macallim Ibraahim oo ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee Illaah wax siiyay in ay gacan siiyaan dadka indhoolayaasha ah oo u baahan gacan aad u balaaran, si ay wax ula qeybsadaan bulshada inteeda kale, waxaa kaloo ka hadlay Aadan Maxamed Xerow oo ah madaxa Warfaafinta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxa uu isna sheegay in xafladdaani ay tahay tii ugu fiicneyd ee uu ka qaybgalo xafladihii horay uu uga qeybgeli jiray, waayo ayuu yiri �waxaa i faraxgeliyay dad indhoolayaal ah oo la barayo in ay wax akhriyaan, waxna qoraan�, isagoo ballanqaaday in Jaamacadda Muqdisho ay ka qeyb-qaadan doonto gacan siinta dadka indhoolayaasha ah.

Waxa kalloo ka hadlay Sarkaall oo ka socday Hay'adda Muslim Aid, Uk waxa uuna u mahadceliyay intii ka shaqeysay in ay wax baraan dad Indhoolayaal ah oo iyagu mar kasta u baahan in wax la baro, si ay ula qaybsadaan noloshada bulshada inteeda kale, isagoo sheegay in Hay'addiisu ay diyaar u tahay in ay wax u qabato dadka indhoolayaasha ah, waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Prof. C/raxmaan Maxamuud Macow (Dhalxa) oo ka socdey Hayada Xaquuqda Aadanaha ee Khaliif Huudow) oo isna u soo jeediyay maamulka Dugsiga AL-Nuur in ay farta Praille-ka ah wax ku baraan si ay iyana wax u baraan dadka Indhoolayaasha ah oo aan fursadda u helin dugsi, ama wax ku barida farta Praille-ka

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Dugsiga Al-Nuur C/fitaax Max'ed Daahir, waxa uuna sheegay in Dugsiga AL-Nuur ay fureen dad indholayaal ah oo horey wax u soo bartay kuwasoo doonaya in ay aqoontooda uga faa'iideeyaan dadka Soomaaliyeed ee indhaha la', isla markaana aan fursadda u helin in ay wax bartaan, waxa uuna u soo jeediyay Hay'adaha Samafalka, Shirkadaha, Ganacsatada in ay gacan siiyaan dadka indhoolayaasha ah, si ay ula mid noqdaan dadka kale ee caadiga ah ee lixaadkooda taamka yahay, maadaama marba marka ka dambeysa Adduunyadu ay horumar sameyneyso.

Kaalinta koowaad waxaa gashay Aamino Cabdul Majiid oo ah gabar indhoola ah kol dhoweedna ku guuleysatay tartan quraan aqris ah. Aamino waxay labada jeerba gashay kaalimaha koowaad, kaalinta labaadna waxaa ku guuleysatay Abshiro C/naasir.

�Weligeey isma aanan dhihin adigoo indhoola ah ayaad wax akhrisan doontaa, waxna qori doontaa waxaan maanta gaarsiisanahay heerkii Jaamacadeed� sidaa waxaa tiri Faadumo Axmed Maxamed oo ka mid ahayd ardeyda la gudoonsiiyay Shahaadada�.

Dugsiga Al-Nuur waa Dugsigii ugu horeeyay oo loo aas aasay dadka indhaha la', waxaana dhidibada u aasay aqoonyahanno aan qudhooda indhaha wax ka arki karin, kuwaasi oo dalka dibaddiisa wax lagu soo baray. sida ay sheegaan maamulayaasha dugsigan ma jiraan kaalmo ay ka helaan dad shisheeye, marka laga reebo Jaaliyad Soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada Brimingham ee dalka Ingiriiska iyo weliba Shirkado iyo Hay'ado Wadani ah oo ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2006 Hiiraan Online