WAR DEG DEG AH
Axad, September 24, 2006(HOL): Degmada Jillib iyo deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa soo gaaray raacii ugu horeeyay ee Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, kuwaasoo la sheegay in uu hogaaminaayo nin lagu magacaabo Xasan Turki oo Maxkamadaha Islaamka ka tirsan.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka, ahna Guddoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo ciidamo la socday ay isaga baxeen Magaalada Kismaayo, iyadoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halka ay u amba baxeen.
Ciidamadani maxaakiimta ayaanan jirin cid kala hortimid wax dagaal ah markii ay saaka 8dii aroornimo ay soo gaareen magaalada Jilib ee Jubbada Dhexe , waxaana ay markiiba ka bilaabeen deegaankaasi in ay isugu yeeraan dadka deegaanka oo ay ujeediyeen qudbado ay kaga hadleen hadafkooda oo ay ku sheegeen in ay tahay in ay ku xukumaan dadka Kitaabka Alle oo kaliya.
Magaaladani Dekedda leh ee Kismaayo oo uu ka arimiyo Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa laga dareemayaa xiisada colaadeed ee imaanshiyaha Ciidamada Golaha Maxkamadaha Islaamka. Dhaqdhaqaaq militari ayaa ka muuqanaayo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaasoo ah meesha uu isugu geeyay Wasiirka Gaashaandhiga Ciidamdiisa.
Wax hadal ah
Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Somalia