Axad, October 08, 2006(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay kulan ku yeeshay Magaalada Jabuuti ayay wararku sheegayaan in ay ka wada hadleen sidii xal mideysan looga gaari lahaa xiisadda ka soo cusboonaatay Soomaaliya.
Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne Geelle uu Ergayga Koffi Anan u sheegay in Soomaaliya aaney xiligan dan ugu jirin ciidamo shisheeye oo la geeyo, taasoo uu madaxweynuhu ka digay in ay sii xumeyn doonto xaaladda murugsan ee haatan ka jirta Dalka Soomaaliya.
Mr. Fall ayaa la filayaa in uu booqashooyin kale ku kala bixiyo dalalka Yugaandha, Yemen, Suudaan iyo Masar, isagoo madaxda dalalkaas iyo kuwii uu horay u soo maray ee kala ahaa Kenya, Itoobiya iyo Eretereya kala hadlayay in xal mideysan loo helo mushkiladda Soomaaliya, walow ay dalalkani ku kala duwan yihiin sida xal loogu heli karo Mushkiladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia