Talaado, October 03, 2006(HOL): Golaha maxkamadaha Islaamka ee la wareegay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho iyo gobollo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay ka cabanayaan dad aan maxkamadaha ka tirsaneyn oo sameeya falal ay ceebo ugu yeelayaan Maxkamadaha Islaamka.
Shiikh Carafaat oo sheegtay in uu ka tirsan yahay Maxkamadaha Islaamka, isla markaana u waramayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dagaal kula jiraan kooxahaas oo uu carrabka ku dhuftay in ay isu soo ekeysiiyeen Maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay dadka ku sameeyaan wax aaney Maxkamadaha ku xukumin amaba aysan amar ahaan u soo saarin.
Shiikh Carafaat waxaa uu sheegay in ay deegaano ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka dilaaceen dhalinyaro qaatay labiska Maxkamadaha oo dadka garbaash iyo madax xiirid isugu dara, “kiiskii hadda ugu dambeeyay waxaa uu ku dhacay nin oday ah oo ay timaha ka xiireen iyo gabdho guryahooda hor fadhiyay oo garbaash la dhaceen”ayuu yiri Shiikh Carafaat oo sheegay in ay dhalinyaradaas qaarkood soo qabteen, kuwo kalena ay ku raad-joogaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia