
Sabti, October 28, 2006(HOL): Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxay dagaal kula jiraan raashinka aan tayadiisa wanaagsaneyn ee ay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed badeeco ahaanta u keenaan.
Ilaa iyo haatan waxay ku guuleysteen Maxkamadaha in ay joojiyaan in Suuqyada Muqdisho loo iib geeyo Bur iyo Bariis aan tayadooda wanaagsaneyn, kuwaasi oo ganacsatadii keentay lagu amray in fogeeyaan amaba ay Badweynta ku daadiyaan.
Tallaabadaas ayay Maxkamadaha qaateen kadib markii Waaxdooda Caafimaadka oo kaashaneysa qaar ka mid dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay baaris ku sameeyeen raashinkaas oo baaristii lagu sameeyay ay ka soo baxday in uusan u qalmin in uu Bani’aadam cuno.
Inkastoo ganacsatadii keentay Raashinkaas lagu amray in ay fogeeyaan hadana waxay mar kale isku dayeen in ay si qarsoodi ah uga soo dejiyaan Dekedda Dabiiciga ah ee Ceel Macaan, dabadeedna ay sidaas ku soo geliyaan Suuqyada Muqdisho, balse taasi waxaa ka hortegay Maxkamadaha Islaamka oo raashinkaas ku xayiray Dekedda Ceel Macaan, iyadoo dhawaana la sheegay in la gubi doono.
Ka hor intii aysan maxkamadaha Islaamka la wareegin gacan ku heynta magaalada Muqdisho, waxay ganacsatada qaarkeed badeeco ahaan u keensan jireen dawo iyo raashin dhacay ama aan lahayn tayo sare oo la hubiyay, kuwaasi oo ay dadku isaga isticmaali jireen si caadi ah, iyadoo uu Allaah ka badbaadiyay waxyeelada ka amaan karta Raashin iyo Dawo dhacay amaba aan tayo wanaagsan lahayn oo la isticmaalo. Hayeeshee haatan waxaa muuqaneysa in aaney ganacsatadu ku dhiiran karin in ay keenaan dawo ama raashin aan tayadooda koontaroolneyn, waxaana taasi ugu wacan iyadoo markan ay furan tahay Dekedda weyn ee Muqdisho, isla markaana isha lagu wada hayo waxa ay badeeco ahaanta u keensanayaan ganacsatada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia